James Swan oo shaaciyey qorshihiisa ku wajahan hogaanka Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – James Swan ayaa Talaadada maanta ka degay Muqdisho si uu ula wareego waajibaadkiisa ah wakiilka xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna madaxa howlgalka UN-ka ee Soomaaliya.

Diblumaasigan u dhashay Mareykanka kaasi oo 30-kii May 2019 loo magacaabey jagadan ayaa waaya-aragnimo u leh siyaasada Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee wadamadda saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

Shaqadii ugu dambeysay oo uu qabto waxay ahayd in uu madax ka ahaa xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee qaaradda  Afrika muddo sanad ah, 2007-kii illaa iyo 2008-dii.

Safiirka Mareykanka ee Jabuuti ayuu ahaa intii u dhaxeysay 2008 iyo 2011. Intii u dhaxeysay 2013 illaa iyo 2016, waxa uu ahaa danjiraha Mareykanka u qaabilsan waddanka Koongada Dimoqraadiga ah.

Wadashaqeyn

Sidda lagu daabacay mareega xafiiska Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ee Soomaaliya, Mr Swan ayaa shaaca ka qaadey in uu si dhab ah ula wada shaqeyn doono hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya.

"Waxaan rajeynayaa in mar kale garab istaago dadka Soomaaliyeed iyo in aan si wadajir ah ula shaqeeyo hogaamiyeyaashooda," ayuu yiri Mr. Swan.

Markii ugu horeysay oo uu ka howlgaley Soomaaliya waxay ahayd 25-sano kahor waqtigaasi oo uu ahaa sarkaal dhinaca siyaasada u qaabilsan Mareykanka intii u dhaxeysay sanadihii 1994 illaa iyo 1996.

"Khibradeyda hore ee Soomaaliya waxay ahayd labada geesood, balse hadda waxaan leeyahay sharaf iyo masuuliyad i saaran oo ah in aan matalayo Qaramada Midoobey iyada oo loo marinayo sohdinta beesha caalamka," ayuu ku daray.

Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayuu sidoo kale soo noqdey 2011-kii illaa iyo 2013-kii.

"Waan ku faraxsanahay in aan la shaqeynayo daneeyayaasha qaran iyo kuwa caalamiga ah si aan u gaarsiino horumar joogta ah oo ku wajahan nabadda iyo barwaaqada ay dadka Soomaaliyeed u qalmaan," ayuu xusay.

James Swan ayaa wuxuu noqonayaa diblumaasigii labaad kaasoo u dhashay waddanka Mareykanka ee noqda erayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM