James Swan oo wareejinaya xilka ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Image
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulan sagootin ah la yeeshay ra'iisul wasaare Xamse.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Wakiilka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay hawlaha xafiiskiisa iyo hey’adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka gaar ahaan – hawlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, isla markaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xorreeyay kooxda argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay James hawlihii kala duwanaa ee uu qabtay dalka intii uu joogay.

"Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James Swan oo iga warbixiyay howlaha xafiiskiisa iyo shaqooyinka Hay’addaha kale Qaramada Midoobay ka wadaan dalka ,gaar ahaanna Howlaha la xiriira gurmadka abaaraha iyo kaalintooda ku aadan sidii kaalmo loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xorreeyay Khawaarijta," ayuu Xamse kusoo qoray ciwaankiisa Facebook-ga.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan Danjire Swan uga mahadceliyay howlihii shaqo ee kala duwanaa ee uu ka qabtay dalka mudadii uu joogay, waxaana ka dhagaystay dardaarankiisa ku aaddan sidii uu Xafiiska Qaramada Midoobay ula sii shaqeyn lahaa Dowladda Soomaaliya".

James oo dhowaan wareejin doona xilka Wakiilka Xoghayaha Guud ayaa kulanka kadib waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado. Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in ay soo magacowdo ergay cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM

Uganda oo xaqiijisay geerida toddobo askari oo lagu dilay dagaal ka dhacay Soomaaliya

Taliyaha Qeybta Koowaad, Brig. Gen. Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa sheegay in tuulada Sabiid-Anole ay ahayd xarun istiraatiiji ah.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 11:01AM