Janan oo ku sugan Muqdisho xili ay jirto xiisada DF iyo Axmed Madoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mid kamid ah wasiirada ugu saameynta badan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa ku sugan Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo xog ogaal ah.

Cabdirashiid Xasan Janan, wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland, ayaa lagu waramayaa in uu qaab qarsoodi ah ku gaarey magaala madaxda wadanka dhaca bariga qaaradda soo koreysa ee Afrika.

Lama xaqiijin karo ujeedada dhabta ah ee imaatinka Janan ee Muqdisho iyadda oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa madaxweynihiisa iyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Khilaafkaasi oo in muddo ah taagan ayaa waxa uu salka ku hayaa doorashada madaxtooyadda iyo baarlamaanka Jubbaland ee la rajeynayo in ay qabsoonto bisha Agoosto ee sanadkan 2019.

Warar ayaa sheegaya in Mr Janan uu la balnasan yahay mas'uuliyiin ka tirsan madaxda qaranka, isaga oo kala xaajoonaya coddeynta.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku eedeysan in ay farogelin qaawan ay ku hayso cod-bixinta Jubbaland ay dooneyso in ay daaqada ka saarto Axmed Madoobe oo xukunka haya tan iyo sanadkii 2013-kii.

Janan oo xulafo badan ku leh siyaasada maamul goboleedkaasi xuduudka la leh dowlada Kenya kana mid ah bud-dhigeyaasha Jubbaland ayaa sidoo kale wuxuu aad ugu dhow-yahay Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo ku dhaliilay Villa Soomaaliya "kalitalisnimo" ayaa tilmaamay in ay uga baxdey heshiis ay kala saxiixdeen oo ku aadan in aysan gacma gacmeyn Jubbaland, doorashaduna ay ku qabsoonto six or oo xalaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM