Jarta siyaasadeed ee Farmaajo u adeegsanayo xilka ra'iisul wasaaraha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dib-u-dhaca magacaabida iyo ansixinta ka dambeysa ee ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya waa qadiyad walaaceeda leh loona baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo.

Wallow ra'iisul wasaare ku meelgaar ah jiro, hal bil ayaa kasoo wareegatay markii uu baarlamaanka eryay Xasan Cali Khayre, taasoo ka dhigan in madaxweyne Farmajo ku guuldareystay in uu bedelkiisa keeno.

Dhibta haysata sii-haayaha wasiirka koowaad Mahdi Guuleed waa in gacmo maran-yahay ama uusan awood badan lahayn. Dastuurka ku meelgaarka ah wuxuu qeexayaa waxyaabaha rasmiyan ka reeban.

Ra'iisul wasaaraha uu madaxweynaha soo magacaabo wuxuu eryi karaa soona magacaabi karaa wasiiradda si lamid ah wuxuu hogaamin karaa shaqooyinka kale ee dowladda kahor inta aysan ansixin baarlamaanka.

Marka loo eego dooda sharciga, Mahdi waa sii gaarsiiye awoodna uma lahan dhamaan howlahaas iyo kuwa kale oo hor-tabin u leh dalka. Intaas waxaa dheer mar-xalada lagu jiro oo u diyaargarow doorasho ah.

Tani waa sababta ay isu soo tarayaan baaqyadda ah in Farmaajo uu ku dhaqaaqo midood; in uu soo magacaabo ra'iisul wasaare cusub soona xusho muwaadin buuxin kara jagadaas ama in uu Mahdi u caleema saaro.

Xaalada dalka way kasii dari kartaa mar walba sii fogaato ra'iisul wasaare la'aata. Balse, waxay run ka dhigeysaa eedeymihii ka dhanka ahaa xukuumadii Khayre oo ahaa in aysan dalka u diyaarin doorasho qof iyo cod ah.

Heshiiskii qabyada ahaa ee Dhuusamareeb 3 wuxuu xeerinayay in coddeynta soo aadan noqoneyso degaan doorasho. Go'aanadaas waxaa saxiixay Farmaajo iyo hogaanka Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Maqnaanshiyaha ra'iisul wasaaraha oo ahayd in uu xaqiijiyo in uu guddiga doorashada helayo sahaydii lagu aadi lahaa coddeynta noocaas ayaa sarre u u qaadey cabsida in ay xilligeeda ku dhici waydo cod-bixinta.

Sidda muuqata, Farmaajo wuxuu si ola kac ah dib ugu dhigay magacaabida ra'iisul wasaaraha isagoo u adeegsanaya jar-siyaasadeed ahaan. Khayre mudadii uu xafiiska joogay wuxuu si furan uga dhigay dib u dhac.

Wallow Farmaajo xilligaas ka dhawaajiyey in aysan jiri doonin, Khayre wuu tegay hataan, taasoo la macno ah in aysan jiri doonin cid cadaadineysa madaxweynaha oo raba in uu xilkaan ku helo dheereysi laba sano ah.

Soomaalida mar walba way dooneysay doorasho qof iyo cod ah, balse ma aysan dhicin. Hase ahaatee, waxay haatan si cod dheer ah ku dalbanayaan nidaam doorasho oo si nabad ah iyo wada ogol ah ku dhacda.

Madaxweynaha xaq ayuu u leeyahay in uu muwaadinka uu doono u xusho xilka, kana talageliyo xisbiyadda mucaaradka ama ciduu doono, balse in uu danahiisa qaaska ah ku goobo waxay qarka ka tuureysaa dalka.

Markii Khayre xilka looga qaadayey qaab rikoor ah; toban daqiiqo, mooshin la'aan ama warqad qoran, Farmaajo wuxuu ku ogolaadey si deg-deg ah, waxaana la gudboon in uu isla nidaamkaas ku keeno cidii bedeli lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM