Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Image

MUQDISHO, ( GO) - Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ay ka soo wareegtay 16 bilood mudadii uu ka maqnaa caasimadda.

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid “dadaallo lagu xaqiijinayo sidii loo heli lahaa nidaam wadar-ogol ah”, isaga oo aan wax faallo ah ka bixin khilaafka furitaanka dastuurka, muranka ka taagan hab-doorashooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh uu riixayo, iyo hubanti la’aanta ka jirta waqtiga doorashada madaxweynaha — xilli muddo-xileedka hay’adaha dowladdu si xawli ah u dhammaanayo.

Intii lagu jiray murankii muddo-kororsiga ee Golaha Shacabka ansixiyeen Abriil 2021, Farmaajo wuxuu si xooggan u difaacay kordhinta muddada xilkiisa, isagoo ku sheegay in ay ahayd tallaabo lagu ilaalinayo xasilloonida doorashada iyo in dalka loo diyaarinayo nidaam doorasho oo qof iyo cod ah. Wuxuu markaas si cad u weeraray mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay carqaladeynayaan geeddi-socodka doorashada, abuuraan xiisado amni, ayna ku mashquulsan yihiin dano siyaasadeed oo gaar ah.

Isbahaysigii mucaaradka ee waqtigaas si adag uga horyimid muddo-kororsiga Farmaajo waxaa hormuud u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo maanta talada haya. Siyaasiyiin badan oo arrimaha gudaha la socda ayaa hadda ku doodaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qaadayo tallaabooyin la mid ah kuwii uu ugaga hor yimid Farmaajo, gaar ahaan arrimaha la xiriira hab-doorashada iyo muranka dastuurka.

Sidoo kale xilligii Farmaajo ma jirin eedeymo waaweyn oo musuq-maasuq oo si toos ah loogu jeediyay maamulkiisa, halka maanta dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay wajahdo dhaleeceyn ballaaran oo ku saabsan eedeymo musuqmaasuq oo ay qeybo ka mid ah mucaaradku si joogto ah u tilmaamaan.

Soo laabashada Farmaajo ayaa ku soo beegmaysa xilli Fahad Yaasiin, oo ahaa saaxiibkiisa siyaasadeed, isaga iyo koox siyaasiyiin ah ku dhawaaqeen isbahaysi ay sheegeen inay u dhisayaan madaxweyne Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Fahad Yaasiin ayaa hore loogu eedeeyey inuu door muuqda ku lahaa maamulidda awoodda intii Farmaajo xilka hayay.

Imaanshaha maanta ayaa mar kale iftiimiyay isbarbardhig siyaasadeed oo ka dhex muuqda Farmaajo iyo Xasan Sheekh, iyadoo la sugayo sida ay u kala qaabayn doonaan xaaladda siyaasadeed ee sii cakirmaysa.

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa sheegey in tartanka madaxweynayaashii hore ugu loolamayaan in talada dalka dib u qabtaan cabsi weyn abuurtey kadib markii la arkey sida Xasan Shiikh u maamuley dalka kadib markii dib xilka loogu doortey 15-kii May 2022.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM