Jeneraal Qaalib oo diiday xilkii uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo

Image

MUQDISHU, Somalia - Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa diiday inuu qabto Xilka Gudoomiyaha Gudiga Taakuleynta Ciidamada, oo habeen hore u magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay markii hore xilkaasi in aanan lagala tashan Xilkan loo magacaabay, hadana uusan diyaar u aheyn qabashadiisa, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray in magacaabistaasi ay ku dhacday si qalad ah.

Wali dowladda Federaalka kama aysan hadlin warka kasoo baxay Jeneraal Jaamac, ee ku aadan inuusan qaban karin Xilka loo magacaabay ee ah Gudoomiyaha Gudiga Taakualeynta Ciidan Xooagga dalka.

Diidamada Qaalib ayaa dhabar jab ku ah dowlada Madaxweyne Farmaajo taasoo lagu eedeeyo iney balanqaadyo deg deg ah sameysay.

Jeneraal Jaamac oo horey usoo noqday Taliayaha Booliska, sidoo kalena soo qabtey Xilal kala duwan, ayaa xusay inuu noqday qof da’ah, islamarkaana uusan diyaar u ahayn inuu xil ka qabto dalka.

Waqtiga uga haray noloshiisa ayuu sheegay inuu ku bixin doono in Taariikhda dalka inuu baro dhalinyarada Soomaaliyeed, maadaama uu yahay shaqsi aqoon iyo qibrad badan xambaarsan.

Jeneraal xilalkii uu dalka usoo qabtey tan iyo Xuriyadii 1960-kii, waxaa kamid ah Taliyaha Booliska, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Shaqada, Gaadiid iyo kuwa kale oo dowlada hoose ah.

Hadda, Jaamac waa nin u dhaq-dhaqaaqa ama u dooda arrimaha bulshada, iyo qoraa wax ka qora Taariikhda Somalia.

Bugaagtii uu qoray waxaa kamid ah;

Cost of Dictatorship, The Somali Experience (1995).

Who is a Terrorist? (first & second edition 2002 & 2005)

Defending History (2005)

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM