Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO — Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa sheegay in Mareykanku uusan ka tanaasulayn taageerada Soomaaliya, balse uu doonayo in dowladda Soomaaliya ay qaaddo mas’uuliyad dheeraad ah oo ku aaddan amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Jeneraal Anderson ayaa farriintan u gudbiyay dowladda Soomaaliya intii uu booqashada ku joogay Muqdisho toddobaadkan, isagoo sheegay in Washington ay dooneyso in Soomaaliya ay “tallaabo muuqata qaaddo” oo ay hoggaanka u qabato dadaallada amni ee dalka.

“Maraykanku kama tagayo Soomaaliya, laakiin waxaan dooneynaa inaan aragno Soomaaliya oo qaadaysa mas’uuliyad badan oo ku saabsan amnigeeda,” ayuu yiri Anderson, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay wariye Soomaali ah.

Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale ka digay in khilaafaadka siyaasadeed iyo xasillooni darrada gudaha ay caqabad ku noqon karaan sii wadidda taageerada Mareykanka.

“Haddii aynaan arki karin in arrimahaas la xallinayo… haddii ay sii socdaan xasillooni darrada siyaasadeed iyo isqabqabsiga gudaha, waxay aad u adkaan doontaa inaan sii wadno ka qaybgalkeenna,” ayuu yiri.

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah, iyadoo ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ay wadaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya dhinacyada tababarka ciidamada, sirdoonka iyo duqeymaha cirka ee lagu beegsado kooxaha hubeysan, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM