Joe Biden oo la beeniyay in uu martiqaadey Xasan Sheekh

Image
Washington ayaa deg-deg u soo dhaweysay isbadalka dhanka hogaanka ee ka dhacay Soomaaliya.
MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo ciwaankeeda Twitter-ka qoraal ku daabacdey ayaa beenisay wararka sheegaya in Joe Biden uu casuumay Xasan Sheekh Maxamuud.
 
"Dowladda Mareykanka way ka warqabtaa in madaxweynaha Soomaaliya uu si xooggan ugu hawlan yahay soo dhisida dowladdiisa," ayay safaaraddu raacisay.

Madaxweynaha cusub ee 10aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa shaaciyay qorshihiisa 100-ka Maalmood ee u horeysa iyo howlaha hortabinta leh ee dowladiisu qabaneyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in uu dalka ka dhaqan-geli doono tallaabooyin dhanka amniga ah, xasilooni siyaasadeed iyo dib u soo kabida dhaqaalaha dalka.

"Waxaa rabna 100-ka Maalmood gudahood in aan dib u eegis ku sameynay hay’addaha amniga, sharciyadooda oo aad u gaboobay. Waxaa rabna in aan heshiis guud oo dowlada iyo dowlad goboleedyada dhexmara oo lagu Federaaleynayo arrimaha muhiimka ah," ayuu yiri.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in arrimaha amniga ay muhiimad gaar ah siin doonaan, islamarkaana ay hirgelin doonaan qorshayaal kor loogu qaadayo amniga dalka, gaar ahaan midda caasimadda.

Xasan ayaa sheegay inay sidoo kale dib u eegis ku sameyn doonaan qorshe looga gudbayo nidaamka doorashada dadban oo aan dhaqan-gelin, si looga gudbo doorashada dadban ee khilaafka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM