Joe Biden oo qalinka ku duugay siyaasad khuseysa Soomaaliya

Image
Siyaasadan ayaa ku saabsan duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

WASHINGTON, United States - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhawaan saxiixay siyaasad lagu maamulayo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhaca meelo ka baxsan aagagga dagaalka taasoo u baahan oggolaansho madaxweyne si loo beegsado dagaalyahanno gaar ah, sida ay warisay New York Times.

Siyaasaddu waxay khusaysaa Soomaaliya, laakiin waxay meesha ka saartey weerarrada is-difaaca ah ee loo baahan yahay inta uu socdo iska-hor-imaadka ciidamadda iyo cadow.

Soomaaliya oo ah dal kasoo kabanaya colaado hubeysan oo tobanaan sano socda ayaa hadda xudun u ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee uu hogaaminayo Mareykanka.

Ciidamada ayaa inta badan duqeymaha ay halkaasi ka geystaan ​​waxa ay ku macneeyeen “is-difaac wadareed” oo ay sameynayaan ciidamada Soomaaliya wallow mararka qaar u baahan yahay damaanad maadaama ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Duqeymahaas waxaa ka mid ah weerar dhanka cirka ah oo lasoo wariyey in 18-kii Sebtembar kaasoo ay ciidamadu sheegeen in ay ku dileen 27 dagaalyahan.

Taliska Pentagon-ka ee Afrika ayaa ku dhawaaqay todobaadkan in duqeyntii ugu dambeysay ay dhacday Axadii ayna ku dileen labo dagaalyahan, taasoo tirada guud ee weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay sanadkan ka geysteen dalkaasi ka dhigaysa 11 howlgal.

Talisku wuxuu u kala saaray 10 ka mid ah kuwa isdifaaca wadajirka ah. Oktoobar, 1-deeda, waxaa lagu dilay hoggaamiye sare oo Al-shabaab ah, Cabdullaahi Nadiir, kaasoo ku jiray liis ay ku qoran yihiin tobaneeyo Mr. Biden oo oggolaaday in la beegsado haddii ay ciidamadu helaan.

Maamulka Biden ayaa miisaamaya codsi uga yimid Soomaaliya oo ku aadanaa in Mareykanka uu dabciyo xayiraadaha uu saarayo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee militariga ay la beegsanayaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

Codsigan ayaa imaanaya iyadoo maamulka cusub ee Soomaaliya uu billaabay duulaan ka dhan ah Al Shabab oo ay si wadajir ah u fulinayaan ciidamadda xoogga dalka iyo dadka degaanka.

Madaxweyne Biden ayaa isla markii uu xafiiska la wareegay waxa uu sidoo kale dib ugu celiyey Soomaaliya 450-askari oo Maraykan ah, taasoo meesha ka saartay ka bixitaankii lama filaanka ahaa ee uu saxiixay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald J. Trump bishii Janaayo 2021 kaasoo looga adkaadey doorasho uu muran-geliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM