Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin.

Kulanka golaha ayaa lagu cambaareeyay faragalinta Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wado gobolka Gedo taas oo ay ugu danbaysay weerarkii ay ku qaadeen xarunta Degmada Baardheere iyo Saldhiga Booliska Degmada iyagoo adeegsanaya CXD Isla Markana halkaas uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Golahu wuxuu uga tacsiyeeyay ehelada dadkii ku waxyeeloobay dhacdadan foosha xun sidoo kalana ay dabo socdaan abaabulo beelaha Degmada la isku hubaynayo taas oo masuuliyada waxa ka dhasha ayna cidna la wadaagi doonin Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa golahu uu ka digayaa abaabulka hubaysan ee ka socda Degmooyinka Garbahareey iyo Beledxaawo kuwaas oo sababi kara colaado daba dheeraada iyo in dhiig uu ku daato masuuliyada wixii ka yimaadana ay Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud qaadi doonto.

Waxaa kale oo golahu wuxuu ka hadlay xayiraadaha duulimaadyada oo si toos ah u saamaynaya shacabka ree Jubaland isla markana aan ilaa hada saamayn ku yeelanin masuuliyiinta iyo Madaxa Dowladda Jubaland taas oo muujinaysa cadaawada iyo nacaybka Kooxda Xasan Sheekh ay u qabaan shacabka ree Jubaland oo meelo badan oo kamid ah wali ay xayiranyihiin duulimaadyada shacabka.

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyadoo loo baahan yahay in aan loo kala harin garab istaaga Dowladda iyo Shacabka Puntland si looga adkaado Kooxda Daacish.

Ugu danbayntii Golaha waxaa kale oo ka digayaa ogaysiinayaana dhammaan Ummada Soomaaliyeed in jahada dalku uu ku socdo ay tahay mid halis ah isla markana colaadaha iyo duulaanada qaawan ee ay abaabulayaan Kooxda Xasan Sheekh ay yihiin kuwo aan u adeegaynin danta dadka iyo dalka hadii hada aan la daba qabanina Soomaaliya ay gaari karto meel halis ah.

War-Saxaafadeed

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM