Jubaland: Farmaajo wali kama waantoobin carqalad abuur

Image

KISMAAYO, Jubaland - Dowladda Jubaland oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag u cambaareysay ciidanka dowladda federaalka ku daabushay gobolka Gedo.

"Waxaa shalay taariikhdu ahyad 19-ka Maarso, 2021 hub, gaadiid dagaal iyo ciidamo laga dejiyey degaanada Daawo ee gobolka Gedo  oo awalba la il-darnaa maleyshiyaad dowladdu federaalk  halkaasi geysay oo dagaallo ku riday una geystay shacabka degaanadaas boob iyo barakicin," ayaa lagu yiri bayaanka oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee madaxwayne Axmed Maxamed Islaam.

Ciidamadan, hubka iyo gaadiidka laga dejiyey gobolka Gedo ayaa laga qaadey Muqdisho, waxaana qeybtood yihiin xubno hore ee Al-Shabaab oo la dhaqan-celiyey.

Maamulka sidoo kale ayaa ku eedeysay Farmaajo "in uusan wali ka waantoobin dagaal oogid, abuurid carqalado horleh iyo ku tumashada dastuurka iyo sharciyada dalka".

Eedeynta ayaa imaaneysa saacado kadib markii Farmaajo uu iclaamiyey shir ay kawada qeybgalayaan maamulada oo xal loogu raadinayo muranka doorashooyinka.

"Waxaa ayadana ayaan darro ah in ayaddoo waddanka ku jiro xilli kala guur dhamaadayna muddo xileedkii madaxweynaha, iyo goleyaasha sharci-dejinta cid walba oo Soomaaliya daneynaysana ay ku baaqeyso doorasho loo-dhan-yahay uu madaxweynuhu waqtigiisu dhamaadey weli ka waantoobi la'yahay dagaal oogid, abuurid carqalado horleh iyo ku tumashada dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka u yaala," ayaa la raaciyey.

Qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu daray: "Arrimahaas looga gol-leeyahay jabinta heshiis walba oo looga gudbi lahaa is-mari-waaga jira".

Xilli ay xustey in Farmaajo qaadayo cawaaqibka "xadgudubkaas aan waligiis ka hareyn", Jubaland ayaa Soomaalida iyo caalamka ku boorisay in ay taageeraan xalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Jubaland

Fahfaahinta kula soco wararkeena dambe

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM