Jubaland: Francisco Madeira wuxuu dulaal u ahaa Villa Soomaaliya

Image
Maamulka Axmed Madoobe ayaa xusay in ergaygii AU-da uu qeyb ka ahaa "duulaankii qaawanaa" ee kooxda Farmaajo.

KISMAAYO, Jubaland - Jubaland ayaa si weyn waxay u taageero u muujisay talaabadda ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu dalka uga eryay wakiilkii Midowga Afrika diblumaasiga lagu magacaabo Francisco Madeira.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda Jubaland ayaa lagu sheegay in Madeira uu ku milmay "xarig jiidka" siyaasadda gudaha Soomaaliya "isaga oo si dulaalnimo ah uga dhex shaqaynayay".

Bayaankan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyadda ayaa lagu caddeeyay in Madeira "uu qeyb ka ahaa duulaankii qaawanaa ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubaland".

"Sidoo kale waxaa uu in mudo ah ka caga jiidayay howlgalada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM isagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha argagixisada ah," ayay raacisay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysaa go’aanka masiiriga ah ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay Danjirahii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira, oo dalka laga caydhiyay kadib markii uu ku xadgudbay arimaha gudaha ee dalkeena taas oo xad gudub ku ah xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyada kana baxsan shaqadii loo igmaday.

Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dulaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasada gudaha ee dalkeena isagoo ku milmay xadhig jiidka siyaasada ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Francisco Madeira, waxaa uu qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubaland sidoo kale waxaa uu ka horyimid heshiiskii Dowlada Jubaland iyo siyaasyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinka 2019-ka ee Jubaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka ree Jubaland aan xal looga gaarin.

Sidoo kale waxaa uu in mudo ah ka caga jiidayay howlgalada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM isagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakiil uga ah shacabka Soomaaliyeed hirgalinta himilooyinka iyo danaha Ummada inta lagu guda jiro xiligan kala guurka ah.


Mucaaradka Soomaaliya ayaa waxay ku tilmaameen Francisco Madeira in uu kamid ahaa "CBB-da nidaamka Farmaajo iyo isha ay Villa Soomaaliya ka heli jirtay macluumaadka xasaasiga ah ee shirarka wakiiladda beesha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laftagareen oo UN-ka kala shiray xaalka Golaha Wadatashiga Qaranka

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore kadib is-faham la'aan dhanka ajendaha ah.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 11:08AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 09:14AM