Jubaland iyo AFRICOM oo ka shiray "la dirirka argagixisadda"

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta wuxuu Kismaayo kula kulmay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend kaasoo "soo booqdey" Jubaland.

Labada dhinac ayaa iska xog-wareystay "sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka iyo sidii Maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed".

Madaxtooyada Jubaland oo soo saartay war-saxaafadeed ayaa daaha ka rogtay fahfaahin ku saabsan wadahadalada ay dhinacyadda ku yeesheen xarunta ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedkaas.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku yimid Jubaland," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagixisada iyo sidii Maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed".

Bishaan May 4-teeda ayay ahayd markii sidaan oo kale uu Axmed Madoobe uu Kismaayo ku qaabilay saraakiil ka tirsan taliska Mareykanka ee Afrika kuwaasoo ka howlgala degaanadda maamulka Jubaland.

"Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubaland," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo xilligaas kasoo baxay Madaxtooyadda Jubaland.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Kulankan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada".

Mareykanka oo qeyb kamid ah ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya una guuray wadamada deriska ah ee Kenya iyo Jabuuti ayaa kamid ah xulafada muhiimka u ah la dagaalanka ururadda Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM