Jubaland iyo Ingiriiska oo fadhi ka yeeshay doorashooyinka

Image
Image
Image
Image
Sidoo kale, is-aragan waxaa lagu soo qaadey saameynta Abaaraha qaybo kamid ah maamulkan.

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweymaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo kula shiray safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster iyo wafdi ay hogaamineyso oo gaaray magaaladaas.

Shirka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta Jubbaland Maxamed Cumar Jaamac, wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed iyo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha, Axmed Xuseen Baraki.

Axmed Madooble ayaa kala hadlay Kate Foster iyo xubnaha kale ee la socday laba arimood oo ku qotomay abaaraha iyo doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu faah faahiyey kulankan, waxaana lagu sheegay in diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay abaaraha.

"Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar, Dowlada Jubaland ayaa bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh ka samaysay abaaraha iyadoo kaalmo kala duwan gaarsiisay dadka ay dhibaatadu gaartay," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Sidoo kale qoraalka ayaa markale lagu yiri “Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka golaha shacabka oo qaybo badan oo dalka kamid ah kasocda".

Jubbaland oo haatan ku jirto doorasho ayaa waxaa ku dhuftay abaar saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan saddexda gobol ee Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM