Jubaland oo baaq kasoo saartey kiiska askarta la geeyay Tigray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamul goboleedka Jubaland ayaa si rasmi ah wuxuu u soo bandhigay mowqifkiisa ku aadan askarta Soomaaliyeed ee laga dagaalgeliyey gobolka waqoyga Itoobiya dhaca ee Tigray.

Mursal Khaliif, oo ah wasiirka qorsheynta Jubaland oo xalay ka qeybgalay dood lagu qabtay barta Twitter-ka ee Garowe Online, ayaa cod dheer wuxuu ku taliyey in qadiyadan la geeyo maxkamad caalami ah.

"Qof kasta oo mas'uul ka ahaa in askarta loo daabulo Tigray waa in uu cadaaladda ku wajahaan maxkamad caalami ah maadaama uu yahay kiis caalami ah," ayuu yir Mursal inti ay doodu socotay.

Baaqa Jubaland ayaa kusoo hagaagaya xilli shalay ay Qaramada Midoobay xaqiijisay in askar Soomaali ah oo tababar loogu qaadey Eritrea loo daabulay Tigray markii dagaalka uu qarxay bishii November, 2020.

Warbixin uu diyaariyey guddiga xuquuqda aadanaha Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa lagu sheegay askarta Soomaalida ah lagu arkay tuulada Aksum oo kamid ah goobaha ay dagaalada ugu xoogan ka dhaceen.

Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin sheegashooyinka ku jira warbixinta UN-ka wallow ay horey u beenisay ayna xaqiijisay in ciidamadda ay qaab qarsoodi ah tababar ugu dirtay dalka Eritrea.

Maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa la rumeysan in ugu yaraan laba uu askarta ku booqdey Eritrea - oo kamid ah dalalka uu sida weyn ugu dhowaadey afartii sano ee u dambeysay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM