Jubaland oo diidey muddo kororsi kuna dhawaaqdey doorasho dadban

Image
Maamulka Xasan Sheekh ayay ku eedeysay inuu doonayo firaaq dastuuri ah iyo kooxda AS oo aan laga adkaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Jubbaland ayaa ku dhawaaqday markii ugu horeysay si cad u sheegtay in aysan mudo kororsi ogoleyn, doorashadeeda qabanayso, waxayna u jeedisay dhinaca Madaxda dowladda federaalka eedo waa weyn oo ay kamid yihiin in ay doonayso in Firaaq dastuuri ah la abuuro.

Eedeymaha waxaa kamid ah in maamulka Xasan Sheekh uu doonayo dagaalka Argagixisada aan lagu guuleysan, kala aragti duwanaanshahana aysan dooneyn in wada hadal lagu xaliyo.

Warsaxaafadeed oo soo baxay saacado hor hor ayaa waxaa lagu cadeeyey mawqifka maamulkaas ee la xariira arrimaha doorashooyinka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya hor istaagtay qabashada doorashooyinka DXDFS, taas oo horseedi karta in dalka uu galo xaalad hubanti la,aan ah. DFS ay diidey soo jeedintii Jubbaland ee ahayd in la raadiyo saamileyda maqan sida PUNTLAND IYO SSC si loo gaaro talo loo dhanyahay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Jubbaland ayaa sheegtay in aysan doorashadeeda dib u dhigeyn oo ay u qabsoon doonto, si lamid ah August 2019kii oo aysan dib u dhac aqbaleyn, maadaama lagu fashilmay qabashada doorashooyin mideysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM