Jubaland oo fahfaahisay kulanka Axmed Madoobe iyo safiirka UK

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa galabta hoyigiis magaalada Muqdisho ku qaabiley Danjiraha cusub ee Dowlada ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa isbarasho iyo soo dhaweyn kadib kawada hadley xaalada siyaasasadeed ee dalka, arrimaha doorashada iyo shirka la filayo in uu dhawaan ka qabsoomo magaalada Muqdisho si xal rasmi ah looga gaaro arrimaha doorashada dalka.

Sidoo kale madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka iyo duunyada abaartu saameysey ee gobolka Gedo iyo deegaanada kale ee Jubbaland.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM