Jubaland oo soo afjartay colaad u dhaxeysay beelo ku diriray Luuq

Image
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in AS ay isku dirayso beelaha isla markana isku gurmashada beelaha dagaalamay ay qeyb weyn ka ahaayeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida kusoo xiray shirkweynaha dib u heshiisinta beelaha walaalaha ah ee dhawaan ku dagaalamay Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in beelaha walaalaha ah ee dagaalamay inay garowsadeen muhiimada ay nabaddu leedahay iyo in dadka ku wada nool Degmada luuq ay is huran yihiin loona baahan yahay in nabadd lagu wada noolaado.

Waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay dhammaan odayaasha dhaqanka gaar ahaan Malaaqyadda, Ugaasyadda iyo waxgaradka deegaanka oo u hogaansamay awaamiirta Dowladda ee ah in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Odayaasha labada beelood ee ku dagaalamay Degmada Luuq ayaa heshiis ka gaaray waxyaabahii dhacay inta uu dagaalku socday iyagoo sidii dhaqanku uu ahaa sabeen isku xiray kana garaabay waxyaabahii soo kala gaaray labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maleeshiyooyinka colaadaha hurinaya aan laga ogolayn deegaanada Jubaland isla markana talaabo laga qaadi doono hubka oo gacanta shacabka gala iyo abaabulka maleeshiyada qabiilkana aan marna la aqbali doonin.

Maxkamaddaha iyo hay’adaha Cadaaladda ayuu sheegay in ay gudan doonan shaqadooda isla Markana xukunadda qisaasta ah aan lagaga gaban doonin in mag ay kala qaataan qabaa’ilka iyadoo xukunka qisaasta ah oo la fuliyo ay yarayn doonto dilalka macno darada ah.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu xusay in dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan loo baahan yahay in ay gacan ka gaystaan sidii dhaqangal uu u noqon lahaa heshiiska maanta la gaaray Dowladduna ay ka go’antahay in mar danbe ayna soo laaban colaadaha noocan oo kale ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Khawaariijtu ay isku dirayso beelaha isla markana isku gurmashada beelaha dagaalamay ay qeyb weyn ka ahaayeen.

Waxaa Madaxweynahu uu ka digay in xukun loo doonto Khawaariijta oo markii horaba hurinayay inay dadka walaalaha ah is dilaan.

Shirkan oo ay soo abaabushay Wasaarada arrimaha gudaha, Federaaleynta iyo dib u heshiisinta Jubaland ayaa waxaa ka qeygalay Gudoomiyaha Baarlaamanka Sheekh Cabdi Cabdiraxmaan, Madaxweyne ku xigeenka 1aad Mudane Maxamuud Sayid Aadan, Xildhibaano iyo wasiiro katirsan XFS, qaar kamid ah masuuliyiinta goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo odayaasha dhaqanka labada beelood ee shaqaaqadu dhexmartay.

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM