Jubaland oo soo celisay ciidamo ay ka qabatay Dowladda federaalka

Image
Saraakiisha ciidanka ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in lixdaan askari diyaarad loo saaray Muqdisho.

KISMAAYO, Jubaland - Jubaland ayaa garoonka diyaaradaha Seyid Maxamed ee degmada Kismaayo diyaarad ka saartay 6 askari oo katirsan ciidanka Ilaalo Qaran, Haramcad iyo nabad sugidda qaranka qaybna ka ahaa ciidamadii dhowaan DFS geysey deegaanka Raaskambooni.

Saraakiisha ciidanka ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in lixdaan askari diyaarad loo saaray Muqdisho si ay ugu laabtaan ciidankoodii iyo qoysaskoodii.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA JUBALAND

Dawladda Jubaland ayaa qeybtii u dambeysay ee Ciidamadii sida khaldan uu u isticmaalayay Xasan Sheekh oo gaaraya 6 askari oo kala tirsan Nabadsugida, Harmacad iyo Ilaala Qaran maanta ka dirtay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan goordhow ee magaalada Kismaayo, iyagoo nabad qaba ayeey guryahooda ku noqonayaan.

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Booliska Jubaland, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi iyo Taliyaha amniga Garoonka Kismaayo, Gaashaanle Dhexe Maxamed Xayi Axmed (Badar) ayaa si wadajir ah usii sagootiyey dhalinyaradan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM