Jubaland oo war cusub kasoo saartey arrimaha doorashada

Image
Image
Image
Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyay

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda oo maanta lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn golaha uga warbixiyey xaaladda amaanka xili ciidamadda ay ku howlanyihiin sugida amniga deegaanada Jubaland iyadoo Madaxweynahu uu ku amaanay Ciidaamada sida ay diyaarka ugu yihiin badbaadinta iyo ilaalinta shacabka xili dalka uu doorasho ku jiro.

Dhinaca kale, madaxweynahu wuxuu golaha warbixin ka siiyay doorashooyinka kasocda guud ahaan dalka iyo si gaar ah Jubaland isagoo sheegay in ay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii losoo dhameeystiri lahaa xubnaha xildhibaanada dhiman ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland.

Intaa kadib Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland ayaa ka warbixiyey xaaladda abaaraha oo kasii daraysa iyo xiriirinta howlaha Gargaarka

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda ay isbuucydan soo socda gurmad gaarsiin doonto qoysas gaaraya (97,000) sagaashan iyo todobo kun oo qoys oo isugu jira raashin iyo lacag Iyadoo todobaadkana ay wasaaradda qaabili doonto wafuud calami ah, Wasiirka waxa uu sheegay in aalada fogaan araga uu ka qayb gali doono madasha arrimaha bini’aadanimada Midwoga Yurub halkaa oo uu kaga warbixin doono arimaha abaaraha ee kajira deegaanada Jubaland.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Jubaland ayaa dhinaciisa golaha oga warbixiyey Tababar ku saabsan dabagalka iyo qiimeynta mashaariicda oo la siiyay dhowr wasaaradood iyo hay’adaha kala shaqeeya Xiriirinta Hay’adaha Caalamiga ah ee ku hawlan gurmadka abaaraha kuwaas oo kala ah.

1) Barnaamijka xakameynta fatahaadda webiga Jubba
2) Barnaamijka Biyooley iyo dhismaha xarunta kaluumeysiga ee Buurgaabo
3) Xogg ururinta awoodda dhaqaalaha ee qoyska oo ka billaabaneysa Jubaland bishan dhamaadkeeda.

Qadiyada degaan doorashada labaad ee Garbahaarey ayaa dooda ugu culus ay ka taagan tahay iyadda oo ay socdaan dedaalo xal loogu goobayo wallow caga-jiid ay wado Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM