Jubaland oo xirtey nin TikTok ku baahiyey war been abuur ah

Image
Booliiska ayaa uga digay dhallinyarada in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinteenna suuban ka hor imaanaya.

KISMAAYO, Jubaland – Ciidamada booliska Jubbaland ee gobolka Jubbada Hoose ayaa xabsiga dhigay wiil bartiisa TikTok ku faafiyay muuqaal uu iska duubay, isla markaana uu ku shaaciyey in Kismaayo uu ku noolyahay nin ay xaas u tahay gabadhiisa.

Ninkaan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayaa muuqaalkii uu iska duubay wuxuu ku sheegay in ninka guursaday gabdhiisa ay u joogaan carruur ay u dhashay, intaas kadibna waxaa bilowday baaritaanka arrintaas.

Booliska Jubbaland ayaa baaray waxa ka jira arrintaas, balse waxay saraakiishu sheegeen in aysan waxaba ka jirin, waxaana wiilkii beentaas sheegay laga soo qabtay magaalada Dhoobley, iyadoo diyaarad lagu geeyey Kismaayo, halkaas oo lagu xiray.

 “Arintaas markii ay ciidanka booliska Jubbaland baaritaan ku sameeyeen run ma noqon oo waa waxba kama jiraan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey bogga Facebook ee booliska Jubbaland.

Muuqaal kale oo xabsiga looga dhex duubay ninkii dhallinyarada ahaa ee beenta sheegay, ayuu ku qirtay in warkii uu horay TikTok ugu faafiyay uu ahaa mid been abuur ah.

Cabdirisaaq Cabdullaahi ayaa sheegay inuu garowsaday in warkiisu uu bulshada ka dhex abuuray qalqal iyo walaac badan. Waxayna Booliiska Jubbada Hoose sheegeen in markii uu soo gaaray warkaas baaritaan deg deg ah bilaabeen, maadaamaa arrintaas ay aad uga hor imaaneyso dhaqanka iyo diinta Islaamka, isla markaana ay u cadaatay in warkaasi uu been yahay.

Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayaa markii uu muuqaalkaas duubayay wuxuu ku sugnaa magaalada Dhoobley, kadibna loo duuliyay magaalada Kismaayo, halkaas oo su’aalo lagu weydiiyay.

Booliiska ayaa uga digay dhallinyarada in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinteenna suuban ka hor imaanaya.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa isticmaasha Barta TikTok, waxa ayna marar ku baahiyaan warar been abuur ah iyo kuwa ka hor imaanaya dhaqanka Soomaalida si ay u helaan daawasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM