Jubaland: Villa Soomaaliya oo dirtey ciidan horleh iyo dagaal dhacay

Image
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya iska-hor-imaadka iyo ciidamadda dheeraad ah ee la daabulay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadey degaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubada Hoose halkaas oo uu ka dhacay dagaal qaraar oo muddo socday.

Illaa haatan, lama xaqiijin karo khasaaraha dhimasho ama dhaawac ee labada dhinac kasoo kala gaarey isku-dhacan hubeysan kaasoo Jubaland aysan wali kasoo saarin war kama dambeys ah.

Degaanka Buulo Xaaji ayaa qiyaastii 80 KM wuxuu u jiraa magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ah ee dowlada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya ee Jubaland.

Dagaalkan wuxuu kusoo aaday iyadda oo Jubaland iyo dowladda federaalka uu ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed ayna maalmihii lasoo dhaafay si weyn isugu hub uruursanayeen labada dhinac.

Xaalada ayaa haatan ah mid wali kacsan iyadda oo saacd walba la filan karo in ay wax ka badalaan furimaha dagaalka guud ahaan gobolka Jubada Hoose maadaama dhaqdhaqaaqyo ay jiraan.

Dhanka kale, illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in guuto kamid ah ilaalada Madaxtooyadda Soomaaliya loo daabulay Jubada Hoose si ay ugu biiraan furinta degaanka Raaskambooni.

Lama garanyo haddii ay ciidamadan horudhac u yihiin safar la sheegay inuu Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre doonayo inuu ku tago Raaskambooni si uu ugu khudbeeyo ciidamaddan.

Socdaalka Xamse iyo ciidamadda la geeyay Raaskambooni ayaa kusoo aadaysa xilli Kenya ay ciidamadeeda kala baxdey aaggaas sabab ku aadan cabsi ay ka qabto in ay ku milanto colaadda.

Talaabadan ayaa waxay si toos ah u muujinaysaa in Villa Soomaaliya ay u diga rogatay in ay awood ciidan uga hortagto Jubaland oo ay isku-hayaan jaangoynta doorashooyinka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM