Jubbaland iyo dowlada federaalka oo ka gorgortamaya Gedo

Image
Shuruudaha ugu waaweyn ee Jubaland wadato ee ay ku diidantahay dowladda federaalka ayaa ah arrinta gobolka Gedo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay hoosta ka socdaan wadahadalo biloow ah oo u dhaxeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo dowladda federaalka oo ku saabsan mustaqbalka gobolka Gedo oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada federaalka.

Jubbaland ayaa doonaysa in maamul ahaan lagu wareejiyo gobolka Gedo oo ay gacanteeda ka saartay dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xildhibaan la hadlay shalay warbaahinta gudaha oo lagu magacaabo Shire Cabdi ayaa sheegay in Jubbaland ay doonayso in ay soo magacaabato guddoomiyaha gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Ciidamada NISA ee Gedo jooga ayaa lagu amray in ay toos u hoos tagaan Muqdisho, maamulka meesha ka jirana uu la shaqeeyo dowladda federaalka illaa inta xal looga helayo arrinka murugsan ee taagan.

Shuruudaha ugu waaweyn ee Jubaland wadato ee ay ku diidantahay dowladda federaalka ayaa ah arrinta gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo hakisay heshiisyadii dekedaha, amniga iyo difaaca ee Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen in midnimada qaran ay laf-dhabar u tahay difaaca danaha aasaasiga ah ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:32PM

Shiinaha oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay Beijing

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:29AM