Jubbaland oo albaabada u laabtay garoonka diyaaradaha Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Garoonka diyaaradaha magaaladda Kismaayo ayaa gebi ahaanba la xiray laga bilaabo 20-ka bisha Agoosto, 2019 oo maanta ah, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay maamulka Jubbaland.

Sidda ku cad bayaanka oo uu helay warsidaha Garowe Online, shaqadda garoonka ayaa waxay dib u bilaaban doontaa 23-ka isla bishan oo ah maalin kadib taariikhda ay qabsoomeyso doorashadda.

Shaacintan ayaa waxaa intaasi lagu raaciyey in ciidamada ammaanka aanan loo ogolaan doonin madaarka lagana joojiyey dhaqdhaqaaqa maalinta doorashadda oo ah 22-ka bishan August, oo ku beegan Khamiista.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo Isniintii garoonka diyaaradaha loo diiday in ay kasoo degto diyaarad ka socotay waddanka Itoobiya, taasi oo sababta loo celiyay lagu macneeyay in aysan fariin iska soo horumarin.

Dhinaca kale, qoraalka oo lagu xusay in heegan la geliyay ciidamada ayaa lagu xusay in la xiray dhamaan xuduudaha xarunta ku meel gaarka Jubbaland si looga hortago falal liddi ku ah nabad-gelyadda.

QORAALKA HOOS KA AKHRISO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM