Jubbaland oo albaabada u laabtay garoonka diyaaradaha Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Garoonka diyaaradaha magaaladda Kismaayo ayaa gebi ahaanba la xiray laga bilaabo 20-ka bisha Agoosto, 2019 oo maanta ah, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay maamulka Jubbaland.

Sidda ku cad bayaanka oo uu helay warsidaha Garowe Online, shaqadda garoonka ayaa waxay dib u bilaaban doontaa 23-ka isla bishan oo ah maalin kadib taariikhda ay qabsoomeyso doorashadda.

Shaacintan ayaa waxaa intaasi lagu raaciyey in ciidamada ammaanka aanan loo ogolaan doonin madaarka lagana joojiyey dhaqdhaqaaqa maalinta doorashadda oo ah 22-ka bishan August, oo ku beegan Khamiista.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo Isniintii garoonka diyaaradaha loo diiday in ay kasoo degto diyaarad ka socotay waddanka Itoobiya, taasi oo sababta loo celiyay lagu macneeyay in aysan fariin iska soo horumarin.

Dhinaca kale, qoraalka oo lagu xusay in heegan la geliyay ciidamada ayaa lagu xusay in la xiray dhamaan xuduudaha xarunta ku meel gaarka Jubbaland si looga hortago falal liddi ku ah nabad-gelyadda.

QORAALKA HOOS KA AKHRISO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM