Jubbaland oo diiday ka qeyb-galka furitaanka Shirka Brussels

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BRUSSELS, Belgium - Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay diiday ka qeyb-galka furitaanka Shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo kaasi oo maanta ka furmay magaalada Brussels, ee caasimadda dalka Belgium-ka.

Qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka Jubbaland, ayaa lagu sheegay in wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe uu qaadacay inuu ka qeybgalo furitaanka shirka, kadib markii daqiiqadii ugu dambeysay wax laga bedelay ajandaha iyo in la jebiyay Protocol-ka. Xogtaan ayaa waxaa horey u baahiyey warsidaha Garowe Online Halkaan ka akhri

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Axmed Madoobe uu sidoo kale diiday markii sida xun loola dhaqmay inuu dego Hotel-kii martida loogu tala-galay, isagoo la geeyay meel kale oo Hotel ah. [Halkan ka akhri warka].

Arintan ayaa imaanaysa xilli shalay Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas lagu kala reebay Garoonka Brussels, iyagoo hal diyaarad kuwada tagey Belgium-ka.

Qaban-qaabiyaasha soo dhaweynta madaxda Soomaalida u xilsaartay Safaaradda Soomaaliya ee Brussels ayaa la sheegay inay si ka baxsan Protocol-ka ula dhaqmeen Madaxweyne Axmed Madoobe, oo u diiday inuu tago qeybta VIP-da Garoonka, oo la geeyay Cabdiweli Gaas oo ay isla socdeen.

Waxay tani muujinaysaa in khilaafka Jubbaland iyo dowaldda Federaalka Soomaaliya uu gaarey heerkiis ugu sareysay, islamarkaanka uu noqday mid kasoo muuqday shirka caalamka ah ee Brussels, oo beesha caalamka ku sugan yihiin.

Jubbaland ayaa Jimcihii lasoo dhaafay kasoo celisay Garoonka Kismaayo diyaarad waday Taliye cusub oo dowladda Federaalka u magacawday qeybta 43-aad ee Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalka Gedo iyo Jubbooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM