Axmed Madoobe oo hoos u dhigay dalabyo uga yimid Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Beesha Caalamka.

Wafdiga oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan waxaa qayb ka ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Dhinaca dowlad goboleedka, waxaa madaxweynaha shirkan ku wehelinayay, madaxweyne ku xigeenada labadda ah iyo wasiirada arimaha gudaha iyo amniga.

Xafiiska Axmed Madoobe ayaa sheegay in kulanka looga hadlay hanaanka doorashada iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Sidda ku xusan war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda maamulka Kismaayo, Swan ayaa madaxweynaha hor-dhigay laba codsi kuwaasi oo kala ahaa sida hoos ku xusan;

In fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada

In wax ka badal lagu sameeyo shuruudaha musharaxiinta madaxweynenimo ee Jubbaland

"Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Beesha Caalamka u sheegay inuusan sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada, gudiga xuduudaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda," ayaa lagu yiri bayaanka.

War qoraal ah oo uu guddigu soo saarey Arbacadii ayay ku sheegeen in gudoonka baarlamaanka la dooran doono 17-ka bishan, halka madaxweyaha loo coddeyn doono 19-ka.

"Ugu dambayntii, waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland," ayaa lagu yiri warka.

Dhinaca kale, saaxiibadda Soomaaliya illaa iyo haatan dhankooda wax war ah kama aysan soo saarin kulanka gaarka ah oo ay la yeesheen madaxweynaha Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM