Jubbaland oo Villa Somalia uga digtay faragelin doorasho [Dhageyso]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga ee maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Janan ayaa uga digay madaxda dowladda dhexe inay faragelin ku sameeyaan doorashadda dowlad goboleedkan oo la filaya in sanadka 2019 dhacdo.

Mr Janan ayaa si gaar ah wuxuu farta ugu fiiqay inaanu usoo diri karin magaalada xeebeedka Kismaayo musharax gaar ah, kaasi oo ay wehliyaan gaadiid dagaal, Hub iyo ciidamo isaga daacad u ah.

Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu wacad ku maray inay ka celin doonan garoonka diyaaradaha murashaxii ku sifoobay dhamaan arrimahaan, isaga oo faray dhamaan hay’adda ku shaqada leh inay fuliyaan

Balse, wasiirka ayaa wuxuusan meesha ka saarin inay soo dhawayn doonan murashaxii aanan ka fogaada dhaqankaasi, wuxuuna intaas ku daray inay sugi doonan amnigiisa, “iskaba daayee inay waxyeelo ugeystaan”

“Adiga [murashaxiinta] oo aadan wadan gadiid dagaal, hub ama ciidamo kasoo deg garoonka. Waxba ku yeeli mayno, xaq-baad uleedahay in lagu doorto. Laakiin, hadii ay taasi dhacdo, waan ka celin doonaa garoonka,” ayuu yiri wasiirka.

Hadalka kasoo yeeray wasiirka Amniga ee Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili madaxda Villa Soomaaliya la sheegay inay ku mashquulsan yihiin sidii ay guuldaro dusha ugu saari lahaayeen Axmed Madoobe doorashada soo socota.

Dowlada Federaalka oo lagu dhaliilay inay faragelin ku hayso doorashada Koonfur Galbeed ayaa haatan la sheegay inay u dirtay Baydhabo labo murashax oo wata gaadiid dagaal, hub iyo ciidamo, taasi oo caasimad goboleedka Bay ka abuurtay khal-khal amniga, xili doorashada ay maalmo naga xigto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM