Kala qeybsanaan hareysay guddiyada doorashada heer federaal

Image
Is-qabqabsigan ayaa laga cabsi qabaa in uu dilo sumcadda guddiyada doorashooyinka heer federaal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kala qeybsanaan baahsan ayaa hareysay guddiyada doorashooyinka. Kala aragti-duwanaantan waxaa saameyn ku leh is-maan-dhaafyo siyaasi ah oo u dhaxeeya qaar kamid ah hogaanka waddanka.

Xafiisyada madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa lagu sheegay jileyaasha ugu badan ee hurinaya is-mari-waayadan oo dilaya sumcadda guddiyadda.

Rooble ayaa mas'uul ka ah daadihinta nidaamka doorashooyinka. Balse, wuxuu diidmo kala kulmayaa kooxda Farmaajo oo qorshahoodu yahay in ay afduubtaan geedi-socodka coddeyntan sida weyn u daahdey.

Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo guddiga xalinta khilaafaadka heer federaal ayay labada dhinac kala adeegsanayaan. Natiijada kursiga HOP086 oo uu hantey Fahad Yaasiin waa kiiska ugu dambeeya ay isku hayaan.

Fahad oo ah gacanta midig ee Farmaajo waxaa kalka hore guushiisa hakiyey guddiga doorashooyinka heer federaal. Hase ahaatee, waxaa maanta fasaxay guddiga xalinta khilaafaadka wallow markii hore ka noqdeen arrintaas.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in cadaadis uga yimid xafiiska Rooble ay ka dhalatay in guddiga xalinta khilaafaadka ay boggooda Facebook-ga ka saaraan warqadda ayna ku tilmaamaan in ay tahay waxba kama jiraan.

Warbaahinta faafisa warbixinadda Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa warisay in madaxda golaha wadatashiga qaranka ay ku fekerayaan in hoos loo dhigo awoodaha guddiyada heer federaal loona wareejiyo kuwa maamuladda.

Doorashada golaha shacabka Soomaaliya ayaa haatan waxay maraysaa gabagabo iyadda oo kuraasta gobolada waqooyi lasoo afmeeray ayna dhamaad ku dhow-dahay xulista degaanadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM