Kalkaaliye Jarmal ah oo Muqdisho laga afduubey oo Codsi In Badbaadiyo ah soo dirtay 

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Muuqaal laga soo duubay gabar kalkaaliye Jarmal ah oo magaceedu yahay Sonja Nientiet ayaa soo ifbaxay baraha bulshada, kaas oo muujinaya codsigeeda ku aaddan in la badbaadiyo kadib todoba sano oo ay ku jirtay afduub ay geysteen koox aan la aqoon, taasoo dhalin karta cabsi ku aadan nolosheeda.

Sonja Nientiet, oo la afduubay 2-dii May 2018 xilligii ay ka shaqeynaysay Hay'adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) oo xarun ku lahayd Laami-yaraha Zoobe.

Muuqaalka, Nientiet ayaa muuqata iyadoo xiran (hijab) iyo muuqaal dhuuban, waxayna ugu baaqday dowladda Jarmalka inay ka shaqeyso sidii loo sii deyn lahaa, iyadoo sheegtay in caafimaadkeedu si degdeg ah u xumaanayo, taasoo ka dhalatay codsiga ay u dirtay dowladda Jarmalka.

“Waxaan la afduubay 2-dii May 2018 markii aan ka shaqeynayay ICRC ee Muqdisho, waxaana hadda ku jiraa xabsi muddo ku dhow 7 sano,” ayay tiri Nientiet oo muuqata mid si weyn uga niyad jabsan. “Caafimaadkayga wuu sii xumaanayaa maalintii maalinta ka dambeysa, waxaanan si weyn uga welwelsanahay badbaadadayda iyo xaaladeyda, sidaas darteed waxaan fariintan u dirayaa dowladda Jarmalka, shacabka Jarmalka, iyo qoyskeyga, maadaama ay tahay waxa iga dhaqaajinaya.”

Muuqaalka ayaa la daabacay 26-kii Maarso 2025, waxaana weli aan la xaqiijin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan run ahaanshaha muuqaalka. Nientiet ayaa lagu afduubay xerada ICRC ee Muqdisho sanadkii 2018, waxaana loo maleynayaa inay afduubkeeda geysteen rag rabay madax-furash inay qaataan, kuwaasoo dalbadey $20 million. 

Sida ay warar soo baxayaan, Nientiet ayaa la afduubay iyadoo ku sugan xerada hay'adda ee Muqdisho, kadib markii uu ka soo qaatay mid ka mid ah ilaaliyayaasha ICRC, oo la sheegay inuu ka qeyb qaatay afduubka, waxaana lagu qaatay meel fog. Waxaa la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay ka dambeysay afduubkeeda.

Mar ay ka hadlaysay xaalada amniga ee dalka, waxay sheegtay inay la socoto in Madaxweyne Xasan Sheekh kolonyo la socday lala eegtay qaraxa, oo la isku dayay in lagu dilo weerarka oo ka dhacay 18kii bishan.

Al-Shabaab ayaa si joogto ah u afduubta muwaadiniin ajnabi ah si ay lacag madax furasho uga helaan, waxaana ay horey u soo bandhigeen muuqaallo muujinaya dadka la afduubtay.  Dowladuhu guud ahaan ma bixiyaan lacag madax furasho ah, iyagoo ku dhaqmaya siyaasadda "ma jirto wada hadal" oo ku saabsan kooxaha argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM