Kalluumeysto ajaaniib ah oo "ka baxay" Kismaayo kahor doorashada

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Tobanaan kalluumeysato kasoo jeeda wadamadda Kenya iyo Tanzania ayaa waxay bilaabeen in ay si ku meel gaar ah uga guuraan Kismaayo, sidda ay sheegeyso warbaahinta.

Saddex kalluumeysato u dhalatay Tanzania oo la shaqeynayey markab kalluumeysi oo ku safrayey calanka Cumaan ayaa gaarey magaala xeebeedka Mombasa ee waddanka Kenya.

Xubnahan ayaa u sheegay wargeyska The Standard in caasimada Al-Shabaab laga saarey 2012-kii ay uga qaxeen baqdin ku aadan rabshado ka dhasha doorashadda madaxweynaha Jubbaland.

Coddeynta oo loo balansan yahay 22-ka bisha August ayaa waxaa u taagan afar murashax oo uu kamid yahay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo ku magac dheer Axmed Madoobe.

"Waxaan uga soo baxnay magaaladda, xiisadda oo ah mid maalinba maalinta ka dambeysa isa soo tareysa," ayuu yiri Mikidadi George Chausi, oo kamid ah shaqsiyaadka u dhashay Tanzania.

Warbixinta ayaa waxay intaasi raacineysa in ay xarunta gobolka Jubadda Hoose ay uga soo tageen 11 kale oo isugu jira Kenyan iyo Tanzaaniyaan.

"Ma aanan qaadan mushahar lix bilood. Ninka na shaqaaleysiiyey wuxuu la tacaalayaa ammaankeena. Waxaa nagala soo guuriyey huteelka, annaga oo nala keenay guri caadi ah," ayuu raaciyey.

Saddexda ku guuleystay in ay Kenya dib ugu laabtaan ayuu jaraa'idka xusay in ay iyaga iska bixiyeen qarashka tikidka oo ah 220 dollar-ka Mareykanka ah.

"[Markii nala keenay hoyga caadiga ah oo ku yaala magaalada dekadda leh] Waxaan dareenay amni daro, sidaasi owgeed waxaan goosanay in aan soo baxno," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Maamulka Jubbaland ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in uu xiray meelaha laga soo galo Kismaayo, isla markaana hakad la geliyay dhaqdhaqaaqii garoonka Kismaayo, inta lagu guda jiro doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Isu-soo-baxa ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:59AM

Al-Shabaab oo Weerarro Ku Qaaday Saldhigyo Militari oo Ku Dhow Muqdisho

Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin weerarradan Jimcaha Maanta ah dhacay.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:37AM