Kalsoonida Deeq-bixiyeyaasha oo Hoos u Dhacday kadib Isbeddel La'aanta Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya — Inkastoo Soomaaliya ay sannad walba hesho malaayiin doolar oo ka yimaada deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo hay’adaha maaliyadeed ee dhinacyada badan, dhaqaalaha dalka ayaa weli wajahaya hoos u dhac muuqda, taas oo keentay shaqo la’aan sii kordheysa, dib u dhac ku yimaada mushahar-bixinta iyo adeegyada dowliga ah oo aad u daaha.
Dalka ayaa lacago ka helo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, balse hannaanka kharashaadka oo aan hufnayn iyo adeegyada oo aan gaarin bulshada ayaa dhalisay dhaliil xooggan oo uga timid shacabka iyo beesha caalamka.
Maalmihii u dambeeyay, qaar ka mid ah deeq-bixiyeyaasha ayaa hakiyay maalgelintii ay ku bixin jireen qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha, iyagoo sabab uga dhigay kalsooni-darro iyo isla-xisaabtan la’aan — eedeymo ay dowladda federaalka Soomaaliya si joogto ah u diidday inkastoo hay’adaha kormeerka maaliyadda dalka ay soo bandhigeen caddeymo ka duwan.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan M. Cabdullaahi, ayaa sheegay in beesha caalamku ay qayb ka tahay dhibaatada, maadaama ay ku adkaatay inay aaminto nidaamyada maaliyadeed ee dowladda.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sannad kasta hesho ku dhowaad $4.2 bilyan, oo ay ku jiraan $1 bilyan oo gargaar ah iyo $3.2 bilyan oo xawaalado ah, kuwaas oo si toos ah dhaqaalaha loogu shubo — balse aan muuqan wax isbeddel ah oo la taaban karo.
Intaa waxaa dheer, ku dhowaad $210 milyan sannadkii ayaa lumaya, maadaama lacagaha lagu wareejiyo wadooyin badan oo Asia Bari iyo Geeska Afrika ah ka hor inta aan loo isticmaalin gudaha dalka, taas oo keenta kharash badan, waqti lumis iyo mugdi ku saabsan halka lacagtu marto, ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Arrintan ayaa dhacaysa xilli Soomaaliya ay dib u dhis ku waddo nidaamkeeda maaliyadeed — sharci-sharci, talaabo-talaabo — si ay u gaarto heerarka caalamiga ah uguna diyaar garowdo isku-xirnaanshaha dhaqaalaha adduunka.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay muujiso in dhaqaaluhu soo kabanayo, hase yeeshee Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa lagu eedeeyay inuusan tallaabo degdeg ah ka qaadin caqabadaha culus ee haysta dhaqaalaha, xilli dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo kulul iyo mucaaradad xooggan ka hor doorashada soo socota.
GAROWE ONLINE