​KENYA: Al Shabaab oo weerar dad lagu dilay ka fulisay Lamu

Image

NAIROBI, Kenya- Mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaatay deegaan xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Weerarka oo ka dhacay labo xaafadood oo kamid ah Lamu, waxaa lagu dilay Sagaal nin oo ilaa hadda la cadayn halka ay katirsanayeen iyo sababta kooxdan u bartilmaameedsadeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in weerarka kadib Mallayshiyada hubaysan ay kooxda ka baxeen xilli aysan la kulmin uiska caabin kaga timid laamaha amniga Kenya.

Booliiska dalkaas ee ku sugan degmadan xeebta dhacda ayaa xaqiijiyay dilka Sagaalka Nin, balse goob joogayaal ayaa ku waramaya in tiradu intaas ka badantahay.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysay qof goob jooge ah ayaa ku warantay, "Weerarka ayaa ka dhacay xaafadaha Jima iyo Poromoko, waxaana lagu dilay sagaal nin".

Wuxuu intaas ku daray, " Waxaa halkaas ka dhacay arrin naxdin leh oo waxaana raggaas loo gowracay sida Digaaga iyagoo loo adeegsaday Mindiyo."

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Kenya iyo kooxda Al Shabaab oo ku aadan weerarka ka dhacay deegaanka Lamu.

Maaha weeerarkii ugu horeeyay ee ka dhaca Lamu oo ay gaysto kooxda Al Shabaab, balse waxay kusoo aaday xilli maalmo kahor halkaas lagu dilay saddex sarkaal oo katirsanaa Booliiska Kenya.

Shabaab ayaa ugdaha Kenya ka fulisa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM