Khadiija Diiriye oo u dabaal-degtay Guusha Kursiga HOP97

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Khadiija Maxamed Diiriye ayaa markii 6aad noqotay Xildhibaan, iyadoo difaacatay Maanta kursiga HOP97, oo ay leedahay Beesha Yaxar, oo degta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxay Khadiija kusoo baxdey doorasho aan lagula tartamin, iyadoo kuraastii Maanta lagu doortey Jowhar oo lix gaarayay ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay oo HirShabeelle lagu doorto, iyadoo Maamulada kale uu ka dambeeyo Guudlaawe.

Sanadkii 2000 ayay Khadiija ku fariisatay kursigan, laga soo billaabo dowladdii Carta lagu dhisay ee C/qaasim illaa mida Farmaajo ayay kusoo jirtay, oo xilal kala duwan, iyadoo hadda haysa jagada Wasiirka Gargaarka.

Waa siyaasi mar walba la jaan-qaada hadba siyaasadda xiligaas jirta, iyadoo ah qof danteeda diiradda saarta, oo aan xisbi katirsanayn, waxaana la sheegayaa in Farmaajo ay taageersan tahay, oo suurta-gal tahay inay codka siiso doorashadda Madaxtinimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM