Khasaaraha geerida qaraxyada gobolka Hiiraan oo kordhay

Image
Mas'uuliyiin ayaa kamid ah dadka ku naf-waayay weeraradan oo yimid xilli Al-Shabaab ay wajahayso kacdoon shacab.

BELEDWAYNE, HirShabelle - Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay labo qarax oo is xig-xigay oo shalay galab ka dhacay magaalooyin hoostaga maamulka HirShabelle ee bartamaha Soomaaliya.

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay gudaha magaalada Jalalaqsi, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa koontaroolka ciidamada ay qabteen gaari. Isbaarada ayaa ku dhow xarumaha dowladda hoose iyo saldhig ciidan oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Jabuuti.

“Abaarihii 2:30-kii duhurnimo ayaa gaari soo gaaray Koontaroolka, mid ka mid ah ciidamada canshuuraha qaadayay ayaa qori ku taagay, wuuna joojiyay,” ayuu yiri Mire Xuseen Siyaad, guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi. "Markii qoriga lagu fiiqay, ayuu gaarigu qarxay," Siyaad ayaa u sheegay VOA-da.

Siyaad wuxuu xusay in qaraxii Arbacadii ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, oo ay ku jiraan labadii hogaamiye ee rayidka ahaa ee magaalada, duqa magaalada Aadan Maxamed Ciise iyo Maxamed Nuur Cagajof Dabaashe oo ahaa guddoomiyaha degmada.

Dabaashe ayaa dhawaan laga bedelay guddoomiyaha Jalalaqsi, balse weli ma uusan wareejin xilkaas, sidda laga soo xigtey Siyaad oo si dhow ula socdey xaaladahan.

Dad kale ee dhintey waxaa ka mid ahaa askartii ku sugneyd isbaarooyinka iyo dad rayid ah oo ay ku jireen kuwo ku ganacsanayay waddooyinka. Qaraxa ayaa burburiyay dhismo ku dhow koontaroolka oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta deegaanka. Siyaad ayaa sheegay in laba ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ku dhaawacmeen weerarka.

Siyaad wuxuu tibaaxay in bartilmaameedku ahaa buundada weyn ee magaalada. Dhanka kale, lix qof oo kale oo ay ku jiraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qarax kale, kaddib markii mooto saddex lugood leh oo walxaha qarxa lagu xiray lagu dhuftey buundada magaalada Buulobarde.

Buundada muhiimka ah ayaa isku xirta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sawirro ay soo qaadeen goob-joogayaal ayaa muujinaya qaraxa uu burburiyey qayb weyn oo kamid ah buundada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM

India oo taageertay midnimada Soomaaliya, xilli ay iska fogaysay aqoonsiga Somaliland

Go’aankan ka soo baxay Hindiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka jirto Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 12:42PM