Khasaaraha ka dhashay Qaraxyo xoogan oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa Qaraxyo xoogan oo galabnimada maanta oo Jimco ah ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Lambar Afar [KM4], sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Qaraxyadda oo tiradoodu ay gaareysay saddex ayaa laga soo wariyay nawaaxiga Hoteel Saxafi oo kamid ah kuwa ugu caansan ee caasimada ku yaala xili ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labo kamid ah qaraxyada ayaa ka dhacay wadada hor marta Hoteel Saxafi iyo xarunta dambi baarista ciidanka Booliska Soomaaliya ee CID-da, gaar ahaan dhinaca wadada laamiga ah ee aada Isgoyska Zoobe.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, in Qaraxa labaad uu ka dhacay uu ka dhacay iridda dambe Hoteel Saxafi, gaar ahaan albaabka ku yaala wadada aadka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasi oo ay Hoteelo kale ku yaaliin. 

Illo wareedyo dhinaca caafimaadka iyo Booliska ah ayaa u xaqiijiyay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho in 17 ruux oo shacab u badan ay ku geeriyootay, halka dhaawac uu intaas ka badan yahay.

Ciidamada amaanka, gaar ahaan ilaalada Hotel Saxafi iyo CID-da ayaa toogasho ku diley rag hubeysan oo gaaraya illaa afar, kuwaasoo isku dayay inay gudaha u galaan Hotel-ka kadib qaraxyada.

Kooxda xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa dhabarka saartay mas'uuliyadda weeraradaani oo labo kamid ah ay ahaayeen Ismiidaamin, sida ay sheegeen hay’addaha nabad-gelyadda.

Shalay oo Khamiis ah ayay aheyd markii Qarax ka dhashay Miino lagu soo rakibay Gaari oo ka dhacay degmada Xamar-wayne ee gobolka Banaadir lagu dilay Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM