Khasaaraha ka dhashay Qaraxyo xoogan oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa Qaraxyo xoogan oo galabnimada maanta oo Jimco ah ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Lambar Afar [KM4], sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Qaraxyadda oo tiradoodu ay gaareysay saddex ayaa laga soo wariyay nawaaxiga Hoteel Saxafi oo kamid ah kuwa ugu caansan ee caasimada ku yaala xili ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labo kamid ah qaraxyada ayaa ka dhacay wadada hor marta Hoteel Saxafi iyo xarunta dambi baarista ciidanka Booliska Soomaaliya ee CID-da, gaar ahaan dhinaca wadada laamiga ah ee aada Isgoyska Zoobe.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, in Qaraxa labaad uu ka dhacay uu ka dhacay iridda dambe Hoteel Saxafi, gaar ahaan albaabka ku yaala wadada aadka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasi oo ay Hoteelo kale ku yaaliin. 

Illo wareedyo dhinaca caafimaadka iyo Booliska ah ayaa u xaqiijiyay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho in 17 ruux oo shacab u badan ay ku geeriyootay, halka dhaawac uu intaas ka badan yahay.

Ciidamada amaanka, gaar ahaan ilaalada Hotel Saxafi iyo CID-da ayaa toogasho ku diley rag hubeysan oo gaaraya illaa afar, kuwaasoo isku dayay inay gudaha u galaan Hotel-ka kadib qaraxyada.

Kooxda xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa dhabarka saartay mas'uuliyadda weeraradaani oo labo kamid ah ay ahaayeen Ismiidaamin, sida ay sheegeen hay’addaha nabad-gelyadda.

Shalay oo Khamiis ah ayay aheyd markii Qarax ka dhashay Miino lagu soo rakibay Gaari oo ka dhacay degmada Xamar-wayne ee gobolka Banaadir lagu dilay Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM