Khasaaraha ka dhashay qarixii Muqdisho oo kordhay

Image
Cumar Axmed Fiqi, oo ah musharax madaxweyne, ayaa ka mid ah dadka waxyeelladu ka soo gaartay weerarka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Lix qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay maqaayad ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, oo xilligaasi ay ku sugnaayeen taliyaha booliiska Soomaaliya iyo xildhibaanno.

Saraakiisha dowladda ayaan wax dhaawac ah kasoo gaarin qaraxa Jimcihii, kaas oo dhaliyay dab ka kacay gudaha dhismaha, sida ay booliisku sheegeen.

"Lix qof ayaa ku dhimatay todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa," ayuu yiri C/qaadir Cabdiraxmaan, oo ah agaasimaha adeegga gurmadka deg-degga ah ee Aamin Ambulance, oo la hadlay saxaafadda.

Qaraxa kadib ayaa waxaa xigay rasaas teel teel ah, oo ay rideen ciidanka amaanka Soomaaliya iyo suga amaanka hotellada goobta ku yaalla.

Maqaayada Pescatore Seafood, oo dhawaan laga furay Xeebta Liido ee Koonfurta Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa inta badan booqda Saraakiisha ammaanka iyo kuwa Dowladda.

Sarkaal ka tirsan Booliska oo lagu magacaabo Maxamed Cali ayaa sheegay in aan si dhab ah loo ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay qaraxa, balse uu u maleynayo in ruuxa weerarka geystay uu ku qarxiyay gudaha maqaayadda.

"Maqaayada waxaa ka dhacay qarax loo malaynayo inuu ka dhashay qof isku soo xiray walxaha qarxa, laakiin ilaa hadda ma hubno [waxa ku saabsan]...sababta," ayuu yiri.

Qaraxan ayaa yimid maalmo kadib markii weerar hoobiye ah lagu weeraray xarunta baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka socday shir ay lahaayeen xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdifitaax Aadan Xasan, Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay sameeyeen ka dabatag iyo in ay badbaadiyaan Dadkii ka dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay sida uu hadalka u dhigay.

“Qof isku soo xiray walxaha qarxa oo naftii halige ah ayaa ku qarxay waddada dheer ee Liido, halkaas waxaa ku waxyeeloobay bulsho rayid ah oo goobo ganacsi ku lahaa goobta, ilaa 8 ruux ayaa dhaawac kasoo gaaray halka ay dhinteen 3 qof oo ay ku jiraan Ciidanka Ammaanka” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Hoteelka la weeraray waxaa xiligaasi ka socday shir ay lahaayeen Xildhibaanada,Siyaasiyiinta iyo taliyaha booliska Soomaaliyeed ee ka soo wada jeeda beesha Dhulbahante, iyagoo ka tashanaha doorashada dalka uu aaday iyo halka ay tahay in afka la aadiyo, siyaasiyiinta hoteelka ku sugneyd waxaa kamid ahaa hoggaamiyihii hore ee maamulkii Qaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel.

Cumar Axmed Fiqi, oo ah musharax madaxweyne, ayaa ka mid ah dadka waxyeelladu ka soo gaartay weerarka.

Farmaajo, Rooble iyo xubnaha u taagan xilka madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay weerarkaan oo ay sheegteen Ururka Al Shabaab. Kooxda hubeysan ayaa dagaal kula jirta dowladda dhexe in ka badan toban sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM