Khasaaro ka dhashay madaafiic lagu weeraray Villa Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintey, in ka badan 5 kalana way ku dhaawacmeen qiyaastii shan hoobiyeyaal oo duhurhimadii Arbacada maanta ah lagu weeraray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya iyo nawaaxiga ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay guri shacab. Cabdicasiis Maxamed Xasan oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa la xaqiijiyey in uu ku nafwaayey. Ehelkiisa waxay Garowe Online u sheegay in kahor inta uusan gelin qolka uu hoobiyuhu ku dilay kasoo laabtey Masjidka.

Xasan oo dhowaan dhameeyay dugsiga sare wuxuu isku diyaarinayey in uu socdaal waxbarasho ugu kicitamo Turkiga. "Shaqada wuxuu hiigsanaayey bay ahayd," ayay qoyskiisu raaciyeen. Ma jirto koox wali sheegatay weerarkan.

Falkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli heer-kulka siyaasada uu meeshii ugu sareysay marayo jirana dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda lagana cabsi qabo in muranka doorashada gacan ka hadal isku bedelo.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay ka gedaal markii Golaha Shacabka uu 12-kii bishaan April uu go'aan hal dhinac ah muddo kororsi uu ugu sameeyay taliska muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo.

Farmaajo oo difaacay kororsigaas baalmarsan sharciga ayaa ku adkeystay in uusan dib ugu laaban doonin wadaxaajoodyada fashilmay ee Afasiyooni haddii aan laga hadleyn qaraarka uu saxiixay ee labada sano ugu kordhinaya xilheyntiisa.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo ayaa todobaadkan wuxuu Midowga Afrika waydiistay "in ay fududeeyaan geedi-socod horseedaya wadahadalo". Hasa ahaatee, wuxuu wali aaminsan yahay dheereysiga iyo in meesha laga saaro heshiiska 17-kii September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM