Khasaaro ka dhashay madaafiic lagu weeraray Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laba qof ayaa waxaa lagu waramay in ay ku naf-waayeen shan kalana ay ku dhaawacmeen weerar madaafiic oo Khamiista maanta ah ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Goobjoogeyaal u waramay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay xaafadaha Obasiibka ee kaabiga ku haya xerada Xalane ee Muqdisho gaar ahaan laanta Gaabiyow.

"Mid kamid ah madaafiicda wuxuu ku habsaday guri dad shacab ah halkaasoo khasaaraha ugu badan uu ka dhacay," ayuu yiri mid kamid ah goobjoogeyaasha oo magaciisa uga gaabsaday sababo amni.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda laga helay dadka degaanka, mid kamid ah labada ruux ee geeriyooday waxaa lagu magacaabaa Cumar Maxamed Aamiin, halka ruuxa kale uu ahaa cunug yar.

"Tirro kale oo kamid ah hoobiyeyaasha waxay ku habsadeen guryo dad rayid ah. Inkasta oo aysan khasaaro nafeed geysan, haddana waxaa ka dhashay burbur maaliyadeed," ayay ku dareen.

Inkasta oo ciidamadda ammaanka ay tageen goobta ay wax ka dhaceen, haddana ma jiro wax war ah oo ay kasoo saareen falkaas iyo baaritaan ay ka sameeyeen goobta weeraro ka dhacay.

Weerarkan ayaa kusoo aaday iyaddoo xerada Xalane qorshuhu yahay in uu ku qabsoomo shir xal kama dambeys ah loogu goobayo is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM