Khayre: Dariiqa iska-caabinta Itoobiya nagama xigo dhanka qabyaaladda

Image
Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa cambaareeyay duullaanka ay Itoobiya ku soo qaadday dalka dadka Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu cambaareeyay duullaan shisheeye oo ay Itoobiya ku soo qaadday dalka dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Khayre waxa uu si weyn u taageeray maamulka Koonfur Galbeed isaga oo madaxda dowladda federaalka ku waaniyay in ay si miyir leh u xaliyaan tabashada dadka maamulkan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KHAYRE

Dalkeennu wuxuu wajahayaa duullaan shisheeye oo ay ku soo qaadday Itoobiya, waxaana uga gudbi karnaa dhiifooni, isku-duubni, iyo midnimo, iyo in aan ka foggaanno wax waliba oo dhaawici kara wadajirka bulshadeenna.

Koonfur Galbeed iyo deegaannada kale ee Soomaaliyeed ee ay maanta joogaan ciidamada shisheeye kuma imaan jaceyl loo qabo ee waxaa keentay duruufta amni ee dalka ka jirta, Dowladda Federaalkuna waa in ay masuuliyad gaar ah iska saartaa sidii ay u dabooli lahayd baahidaas amni, xaqiiqadaas qaraarna lagu wajaho caqli saliim ah, si looga maarmo ciidan shisheeye. 

Dariiqa maanta dalka looga badbaadinayo duullaanka Itoobiya nagama xigo dhanka qabyaaladda, kala-qeybinta bulshada, iyo in Dalka iyo Dowladnimada laga xigsado reer Koonfur Galbeed. Waxaan ka digayaa hadallada xanafta, dhiillada, iyo qabyaaladda xambaarsan ee warbaahinta la isu marinayo, oo abuuraya khilaaf hor leh, siina kala dhantaalaya midnima ummaddeenna.

Waxaan madaxda Dalka ugu baaqayaa in ay la yimaadaan aragti Qaran, waaqici ah, jiheyn karta bulshada, mideyn karta cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed; mudnaanna siiyaan danta guud, kana fogaadaan wax walba oo kala qeybin kara midnimada dalkeenna iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM