Khayre oo Golihiisa Wasiirada ka mamnuucey isticmaalka Baraha Bulshada [AKHRI]

Image

MUQDISHU- Ra'isalwasaaraha dowlada Federaalka Somaaliya Xasan Cali  Kheyre ayaa  Golihiisa Wasiirada ka mamnuucay inay baraha bulshada, idaacadaha iyo TVyada uga hadlaan warar siyaasadaysan, xaalada taagan iyo wixii xasaasi ah illaa inay ogolaansho ka haystaan Xafiiska Ra'isalwasaaraha maahane.

Wasiirada waxaa lagu wargeliyay inaysan uga hadli karin baraha bulshada  wixii xasaasi ah ama siyaasad ah ogolaansho la'aan. Amarka Wasiirada looga mamnuucay baraha bulshada waxaa uu kasoo baxay Xafiiska Ra'isalwasaaraha waxaana ogeysiin la siiyey Madaxweynaha, warqadase waxaa ku saxiixan Ra'isalwasaare ku xigeen Mahad Guleed.

Amarka Khayre ayaa yimid kadib markii ciidamada amaanka dowlada Federaalka la sheegey in degaanada Bariire ku dileen dad shacabka ah kadib xubno ka tirsan golaha wasiirada xoggo kala duwan ku qoreen Baraha Bulshada.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo intii xilka qabatey ayaa howlwadeenadeeda ahaayeen kuwo aad u isticmala Baraha Bulshada.

Wasiirka arimaha dibada Somaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa noqdey shaqsiga ugu isticmaalka badan Baraha bulshada isagoo mar walba kaga hadlay arimaha siyaasada iyo howl-maalmeedkiisa kale.

Xukuumadda ay dhaleecayn xooggan kala kulantay Bulshada, kadib markii Wasiirada Gaashaandhigga iyo Warfaafinta ku qoreen Baraha Bulshada in weerarkii Bariire lagu dilay rag katirsan Al shabaab, iyadoo Madaxweynaha dalkana uu qiray in shacab lagu dilay, kana tacsiyadeeyay.

Kala hadalka iyo kala warqab la'aanta Madaxda sare ee dowladda Federaalka Somalia, ayaa Jahwareerisay shacabka iyo Beesha Caalamka, oo meel ay u raacaan garan waayay hadallada iska soo horjeeda ee kasoo baxa dowladda.

Isticmaalka Baraha Bulshada oo aan ka fiirsasho laheyn, waxay keentay inay hoos u dhacdo Kalsoonidii shacabka ay u hayeen dowladda Federaalka, oo aan laheyn Siyaasad midaysan oo dhanka Warbaahinta ah.

Halkaan ka akhri qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra'isal wasaraha Somaaliya.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM