Khayre oo ka digay qabashada doorasho "aan lagu heshiin"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkooda dastuuriga ah uu dhamaadey waxay wali la rafanayaan in ay waddanka ka gudbiyaan isgoyska halista ah ee uu taagan yahay, sidda uu aaminsan yahay musharax madaxwayne Xasan Cali Khayre.

Ra'iisul Wasaarihii 19aad ee Soomaaliya oo Sabtida maanta ah qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa shaaca ka dhigay in nasiib darro weyn ay tahay in khilaafka doorashada sii daba-dheeraadey isla markaana "danta shaqsiga ah laga horumarinayo midda guud ahaan".

Khayre ayaa hoosta ka xariiqay sidda ay muhiim u tahay in Soomaaliya ay xal deg-deg ah u hesho is-faham-waaga doorashooyinka isla markaana lagu maareeyo geedi-socod loo-wada-dhan yahay.

"Afar (4) bilood kahor ayaa hadal aan jeediyay ku sheegay in qaabka aan u maareyno afartanka (40) maalmood ee xilligaas nagu soo aadanaa ay fure u noqon doonto afarta (4) sano ee nagu soo fool leh ayna gundhig u sii noqon doonto sawir-mustaqbaleedka dalkeena iyo dadkiisu ay yeelan karaan afartanka (40) sanno ee soo socdo," ayuu ka dhawaajiyey.

Wuxuu ku daray: "Afar (4) bilood kadib waxaa dowladda muddo xileedka dastuuriga ah uu dhamaadey ay wali ku guuleysan la´dahay oo ay la rafaneysaa maareynta iyo ka gudbidda isgoyska halista badan ee dalkeennu xiligaan ku sugan-yahay. Waxaana wada aragnaa fool-xumadda natiijooyinka ka dhasha marka danta shaqsiga laga horumariyo danta guud, darteedna loo burburiyo danaha guud ee dadka, dalka iyo dowladnimada".

"Waxaan horey uga digay, hadana aan mar kale ku celinayaa in hadii aysan Soomaalidu ku heshiin qaabka doorashada madaxtinimada dalka, doorashaduna noqon mid ku dhacda qaab wadar ogol ah oo daah-furan ay adkaan doonto inay Soomaalidu ku heshiiso ogolaanshaha natiijada doorashada iyo guud ahaan wadaagga hannaanka dowladnimada dalkeenna," ayuu raaciyey.

Siyaasiga ayaa kusoo xiray: "Aniga oo ku kalsoon garaadka iyo kartida dadka Soomaaliyeed, waxaa ii muuqdo maalmo qurux badan oo dalkeenna iyo dadkiisu ay yeelan karaan mustaqbalka dhow, hadii ay helaan hoggaankii saxda ahaa ee horumarkaas ku hoggaamin lahaa".

Khayre ayaa 25-tii July, 2020 wuxuu shaaciyey in uu iska casilay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Shaacintaas waxay timid saacado kadib markii Golaha Shacabka iclaamiyey in uu kalsoonida kala laabtey xukuumadiisa. Khayre iyo Farmaajo waxay isku qabteen doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM