Khayre oo ka tacsiyeeyay wasiir hore oo ku dhintay qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyadda.

Sidda ay sheegeen saraakiisha amaanka, qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari walxo qarxa lagu soo rakibay, kaasi oo jugtiisa si wayn looga maqlay qaybo kamida caasimadda.

Ugu yaraan 20 ruux oo uu ku jiro mas'uul horey, saraakiil ciidan iyo askar oo ay wehliyaan shacab ayaa ku geeriyootay weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Xasan Cali Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa tacsi tiiraanyo leh wuxuu u diray ehelada dadka dhintay si gaar ah qoyska uu ka baxay Xuseen Ceelaabe Faahiye.

"Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka baxay Wasiir hore Xuseen Ceelaabe Faahiye oo maanta innaga shahiiday. Waxa uu muddo dheer u soo adeegay dalka iyo dadka. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo," ayuu yiri

Marxuum Faahiye ayaa dowladii ku meel gaarka ee Cabdullaahi Yuusuf ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada xili xukuumadii ra'iisul wasaare Nuur Cadde uu ka qabtay xilka Wasiirka Qorsheynta.

Weerarkaan ayaa imaanaya xili amniga uu safka hore uga jiro arrimaha ay ku guuldareystay in ay wax muuqda ka qabato xukuumada Khayre oo in ka badan laba shaqeynaysa.

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay dhowaan soo saartay waxay walwal uga muujisay amni darada sii baaheysa xili ay sheegtay in ay halis ku tahay horumarada laga sameeyay dowlad-dhisida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM