Khayre oo kula kulmay Muqdisho mas'uul sare oo ka tirsan dowlada UK

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta oo Axad ah Muqdisho kula kulmay Agaasimaha Siyaasadda wasaarada arrimaha dibadda Ingiriiska, Richard Moore.

Xafiiska Khayre ayaa shaaciyey in dhinacyadda kulankooda ay diiradda ku saareen xoojinta "iskaashiga labadda geesood ah ee dib u habeynta dhaqaalaha, amniga, siyaasada iyoo barnaamjiyadda horumarinta".

"Waxaa sharaf ii ah in aan qaabilo Richard Moore, agaasimaha siyaasadda Boqortooyadda Ingiriiska," ayuu yiri Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay Twitter-ka.

Moore, sidda ku sooyaal nololeedkiisa, ayaa horey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka UK iyo safiirada wadankaasi u qaabilsan wadanka Turkiga.

Danjiraha Ingiriiska u fadhiya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, Ben Fender iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa waxay goobjoog ka ahaayeen kulankii maanta.

Kulanka Khayre iyo Richard Moore ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo Sabtidii xero tababar oo ay Britain hirgelisay laga daah-furay magaaladda Baydhabo, xarunta ku meel gaarka Koonfur Galbeed

Isla shalay waxaa xaruntaasi tababar loogu furay askar boqolaal gaareysa xili kuwa kale loosoo xiray tababar, kuwaasi oo loo diyaariyey in ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab.

Degaanada maamulka Koonfur Galbeed oo ay ku xoogan tahay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa la rumeysan yahay in ay kamid yihiin meelaha ay kooxda kasoo abaabusho weerarad ay Muqdisho ka geysato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM