Khayre oo muddo kororsi uga digay madaxda federaalka iyo maamulada

Image
Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa fariin u diray madaxda shirka uga bilowday magaaladda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa fariin u diray madaxda Soomaalida ee shirka uu maanta uga furmay magaalada Muqdisho.

Khayre oo ah Murashax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay ka fogaadaan muddo kororsi horleh taasoo keeni karta xasilooni darro baahsan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KHAYRE

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxa uu ku soo aadayaa iyada oo dalku wajahayo hubanti la’aan siyaasadeed iyo duullaan shisheeye oo ay Itoobiya ku soo qaadday baddeenna.

Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna.

Sharciyaddu waa ruuxda dowladnimada, waxaana bixiya dastuurka dalka iyo sanaadiiqda doorashooyinka. Khibrad nagu filan ayaanna u leennahay cawaaqibta muddo-kororsi sharcidarro ah, kaas oo khatar ku ah geeddi-socodka dowladnimada, midnimada umadda, xasilloonida dalka iyo amniga qaranka.

Jidka kaliya ee maanta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed u furan waa in laga fogaado muddo-kororsi hor leh, degdegna loo qabto doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada oo waqtigoodu dhammaaday, lagana wada heshiiyo doorashooyinka Federaalka, si doorasho wadar-oggol ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhacdo May 15, 2026.

Ugu dambeyntii, si loo samatabixiyo midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, waa in xal waara loo helaa tabashooyinka Puntland, lagana qeybgeliyo geeddi-socodka dowladnimada iyo doorashooyinka qaranka, si looga fogaado wax waliba oo sii kordhin kara khilaaf, kala-shaki, iyo hubanti la’aan siyaasadeed.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM