Khayre oo shuruud ku xiray in ciidanka si joogto ah loo siiyo mushaharka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa maanta Xerada Tababarka Gen. Gordan ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaarinayo howgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Khayre oo la hadlay ciidamada ayaa soo qaadey arrimo ay kamid tahay mushaharka oo qayb kamida xoogaga dowladda aysan qaadan bilooyinkii lasoo dhaafay sababo ku aadan dib u habeyn ku socoto.

"Waxaan idin kugu bishaareynayaa in ay jirto dowlad diyaar u ah in ay xuquuqdiina joogteyso, laakiin xuquuqda askari walba si loo joogteeyo, sidii aan horey u iri hadana aan kusoo celinayo, askari walba waa in uu diiwaan-geshan yahay, lamber leeyahay, meesha lagu yahay uu ka shaqeeyo, si loo kala duwo kuwa aan ka shaqeyn iyo kuwa shaqeeya," ayuu yiri.

- Musuqmaasuq -

Mareykanka iyo qaar kale oo kamid ah wadamada taakuleeya Soomaaliya ayaa joojiyey in ay bixiyaan gunada iyo cunada difaaca dalka markii ay soo if-baxday in musuq-maasuq baahsan uu ka dhex-jiro hogaanka.

Tirakoob dhowaan lagu sameeyay ciidanka ayaa waxaa uu sheegayaa in tiradooda ay gaareyso in ka badan 15-kun balse waxaa qiimeyntaasi ay sheegeysaa in aysan haysan agab ku filan oo ay ku wajahaan dhinacyada ay ka horjeedaan.

Khayre oo xusay in dowladdu ay haatan bixiso xuquuqda ciidamada ayaa intaasi raaciyey: "Askari walba oo loo dirayo khatar waa in loo dhameystiraa agabkiisa, si loogu dhameystiro waa in ciidanka xooga Soomaaliyeed ay leeyihiin maamul hufan, kala dambeeya oo ka madax banaan musuq-maasuqa.

- "Shaqadaad haysaan aniga iyo madaxweynaha ma hayno" -

Xoogaga Midowga Afrika ee AMISOM oo dalka yimid sanadkii 2007-dii balse tan iyo xilligaasi aanan soo hoyn guulo fara badan ayaa lagu dedaalaa badqabkooda iyo agabkooda taasi oo ah wax aysan helin ciidanka Soomaaliya lana rumeysan yahay in ay ku keento niyad-jab.

Askarta uu booqdey Khayre ayaa lagu wadaa in ay u ruqaan-sadaan dhanka degaanada ay kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacida ay ka haysato gobolada dalka si gaar ah Shabeelaha Hoose iyo Dhexe.

"Guusha Umadda Soomaaliyeed way soo dhow-dahay, marka aad tagtaan hadii uu ALLE raali ka noqdo, qof idinka kamid ah oo ay xuquuq ka maqan tahay ama agab aad u baahan tihiin idinka dhiman yahay waa kan taliye Odowaa [taliyaha Ciidamada Lugta] aniga si toos ah ha ila soo xiriiro. Taariikhdii lasoo dhaafay marka aad ha ugu mashquulina. Mustaqbalka hortiina yaala eega. Waxaan leeyahay waxaad dalka u haysaan shaqo aniga iyo madaxweynaha aadan dalka u hayn, shaqo aaney cid kale u hayn, laakiin waxaa waajib naga saaran yahay in aad xuquuqdiina heshaa," ayuu daba dhigay.

Mudda xileedka maamulka talada dalka haya ee la doortay 8-dii Febraayo 2017-kii waxaa kaliya ka harsan sanad iyo bilooyin. Balanqaadyo dhowr ah oo ay kamid tahay in dalka looga xorreyn doono Al-Shabaab muddo laba sano ah ayaa fuli waayey iyadda oo amniga uu faraha kasii baxayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM