Khayre oo u safray Mareykanka xili uu fahfaahiyay ujeedka socdaalkiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sidda uu horey u baahiyay warsidaha Garowe Online, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Axad ah u boqoolay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya wafdi wadar ahaan ka kooban 11 xubnood oo qaarkood ay yihiin wasiiro iyo howlwadeeno xafiiskiisa kamida.

Wasiirada Maaliyada iyo Qorsheynta, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Jamaal Xasan ayay kala yihiin xubnaha xukuumada ka tirsan ee wafdiga Khayre raacay, iyada oo ay jiraan mas'uuliyiin kale.

Hanti-dhowraha guud ee qaranka, Maxamed Cali Afgooye, agaasimaha sirdoonka qaranka, Fahad Daahir Axmed [Fahad Yaasiin] iyo xubno kale ayaa si lamid ah qayb ka ah wafdiga ra’iisul wasaaraha.

Khayre oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku fahfaahiyay ujeedka safarkiisa ayaa sheegay in uu kulamo kula yeelanayo Shirka Gu'ga madax ka tirsan hay’adda lacagta aduunka.

Sidda uu ogaaday warsidaha Garowe Online, Khayre ayaa inta uu ku sugan yahay Mareykanka wuxuu la fariisan doonaa lataliyaha amniga qaranka Mareykanka iyo daneenayaasha Soomaaliya.

"Aragtideena waa in aan horumarinayo ajendaha dib u habaynta qarankeena," ayuu ra’iisul wasaaruhu yiri, isaga oo u umuuqda mid sharaxaya waxa kala hadli doonan dhinacyada ay la kulmayaan.

Illo ku dhow xafiiska Khayre ayaa u dusiyay GO in ahmiyada ugu wayn ee safarka Khayre ay tahay qorshaha dayn cafinta iyo warbixin ku saabsan shuruudaha lagu xiray in laga cafiyo qaantaasi.

Waa socdaalkii labaad oo uu Khayre ku aado Mareykanka inta uu xafiiska joogo. Bishii Maarso ee sanadkii hore ayuu kaga qaybgalay shir ay isugu yimaadeen wadamada taageera Soomaaliya.

Safarka uu wasiirka koowaad ugu amababaxay Mareykanka ayaa kusoo aadaya iyada oo uu maanta ku buuxiyay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka saddex boos oo ka banaaneed Golihii Wasiirada. [Halkaan ka akhriso]

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha wafdiga qaybta ka ah

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM