Khayre oo Wasiirro cusub magacaabey [Akhri magacyadooda]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa magacaabey saddex wasiir cusub, kuwaasoo buuxinaya boosas ka banaanaa Xukuumadiisa.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay magacaabida Wasiiradda oo kala ah:

1 Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac

2 Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiiq Warfaa

3 Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Fowsiya Maxamed Sheekh.

Saalax Jaamac oo kamid ah Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka ayaa loo dhiibey xilkii uu ka geeriyoodey C/raxmaan Xoosh Jibriil, halka Fowsiya Maxamed Sheekh ay buuxinayso booskii uu iska casilay Lafte Gareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Sadiiq Warfaa oo isna Xildhibaan ah, ayaa loo magacaabey Wasaaraddii laga wareejiyay Saalax Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM