​Khilaaf soo kala dhexgalay Maxkamadda Sare iyo Barlamanka Somalia [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamadda sare ee dalka Somalia, ayaa ka hortimid codayn maanta golaha Barlamanka dalka u sameeyeen xubno sideed ah oo katirsan Xildhibaanada taasoo doorashadooda lagu celin lahaa.

180 xubnood oo kamid ahaa 184 Xildhibaan oo maanta joogay Kalfadhiga golaha Shacabka ee ka soconaya Muqdishu, ayaa u codeeyay in la iska dhaafo dib u doorashada Sideedaas mudane oo haatan kamid ah Barlamanka dalka.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysay amar kasoo baxay Maxkamadda sare bishii Shanaad ee lasoo dhaafay oo dhigayay in loogu celiyo doorashadii ay kusoo baxeen Xildhibaanada kala ah; Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir, Maxamed Saciid Cabdullahi, Maxamed Axmed Abdtidoon, Nadiif Aadan Isaaq, Muna Khalif Sheekh Abu [Muna Kay], Cabdicasiis Saalax Carmaan, Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale iyo Samra Ibrahim Cumar.

Tallaabadan ayaa keentay in Maxkamadda sare ee Somalia ay mar kale soo saarto Warqad ay kaga digayso in la jabiyo amarkeedii hore.

Go’aamada labada dhinac ee is-diidan ayaa wararku sheegayaan inay kicisay khilaaf hor leh oo u dhaxeeya Maxkamadda sare iyo Barlamanka.

Horaantii Sannadkan ayaa Guddigii Khilaafaadka Doorashii Dad-banayd ee dalka ka dhacday iyo Madaxdii madasha isku raaceen in lagu celiyo Sideedan xubnood walow tirada Guddigu diidanaa ay ka badnayd mida ay jideen Madaxdii dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyadu.

Khilaafkan ayaa kusoo aaday xilli ay is-dhaganyihiin mas’uuliyiinta sar sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dowladda Federaalka Somalia, taasoo ku aadan in dib loogu laabto doorashada Sideedaas Xildhibaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM