​Khilaaf soo kala dhexgalay Maxkamadda Sare iyo Barlamanka Somalia [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamadda sare ee dalka Somalia, ayaa ka hortimid codayn maanta golaha Barlamanka dalka u sameeyeen xubno sideed ah oo katirsan Xildhibaanada taasoo doorashadooda lagu celin lahaa.

180 xubnood oo kamid ahaa 184 Xildhibaan oo maanta joogay Kalfadhiga golaha Shacabka ee ka soconaya Muqdishu, ayaa u codeeyay in la iska dhaafo dib u doorashada Sideedaas mudane oo haatan kamid ah Barlamanka dalka.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysay amar kasoo baxay Maxkamadda sare bishii Shanaad ee lasoo dhaafay oo dhigayay in loogu celiyo doorashadii ay kusoo baxeen Xildhibaanada kala ah; Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir, Maxamed Saciid Cabdullahi, Maxamed Axmed Abdtidoon, Nadiif Aadan Isaaq, Muna Khalif Sheekh Abu [Muna Kay], Cabdicasiis Saalax Carmaan, Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale iyo Samra Ibrahim Cumar.

Tallaabadan ayaa keentay in Maxkamadda sare ee Somalia ay mar kale soo saarto Warqad ay kaga digayso in la jabiyo amarkeedii hore.

Go’aamada labada dhinac ee is-diidan ayaa wararku sheegayaan inay kicisay khilaaf hor leh oo u dhaxeeya Maxkamadda sare iyo Barlamanka.

Horaantii Sannadkan ayaa Guddigii Khilaafaadka Doorashii Dad-banayd ee dalka ka dhacday iyo Madaxdii madasha isku raaceen in lagu celiyo Sideedan xubnood walow tirada Guddigu diidanaa ay ka badnayd mida ay jideen Madaxdii dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyadu.

Khilaafkan ayaa kusoo aaday xilli ay is-dhaganyihiin mas’uuliyiinta sar sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dowladda Federaalka Somalia, taasoo ku aadan in dib loogu laabto doorashada Sideedaas Xildhibaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM