Khilaafka doorashada oo oo isku rogay gacan-ka-hadal

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - is-mari-waaga muddo dheer ka taagan qabsoomida doorashooyinka 2020-21 ee Soomaalliya ayaa u muuqanaya mid si toos ah iskugu rogay gacan-ka-hadal, waana mid kamid ah arrimaha aadka looga baqayey.

Ciidamo kala taabacsan maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo iyo dhinacyada kale ee kasoo horjeeda ayaa ku dagaalamay isgoysyada Fagax, Mariino, Lamber Afar, iyo Dabka ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxwaynihii 8aad ahna musharaxa madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tibaaxay in "ciidamo ka amar-qaata Farmaajo" ay soo weerareen hoyga uu ka degan yahay isgoyska Mariino ee degmadda Cabdicasiis.

"Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Mas'uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo," ayuu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharaxa madaxwayne, ayaa sheegay in "ciidan ka amar-qaata Farmaajo ay beegsadeen hoy uu ka degay isgoyska Lamber Afar ee caasimada Muqdisho".

"Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoygayga. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo saraakiil iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo," ayuu ku daabacay ciwaanadiisa shaqsiga ah ee baraha bulshadda.

Wasiirka amniga xukuumadda xilgaarsiinta, Xasan Xundubey, ayaa xusay "in dad aan u naxeyn degaankooda ay soo abaabuleen maleyshiyaadka maanta soo weeraray Muqdisho". Ciidanka amniga ayuu sheegay in ay ka hortageen "isku daygaas".

Xundubey wuxuu beeniyay in ciidanka dowladdu weerareen Xasan Sheekh Maxamuud. Askarta iyo shacabka ayuu ugu baaqay in ay ka fogaadaan dhexgalka siyaasada "iyo in aysan ka qeyb-qaadan dagaal lasoo xawilay oo dulaaliin shisheeye u soo dhiibeen ay kaliya ka macaashayaan".

Midowga Musharaxiinta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka ciidanka taliska Farmaajo ku ekeeyeen guriga Hassan Sheikh Mohamud iyo Abdirahman Abdishakur Warsame.

Sida ay muujinayaan xogaha laga helayo illo ku dhow dowlada Soomaaliya, gulufkaas waxaa "lagu adeegsaday askar ay tababartay, hubeysan ayna mushahar siiso dowladda Turkiga".

Bayaanka Midowga Musharaxiinta ee ku cambaareeyay beegsiga hoyga Hassan Sheikh Mohamud iyo Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa lagu xusay in weerarkaas lagu adeegsaday rasaas ay AMISOM ugu deeqdey taliyaha NISA, Fahad Yaasiin Daahir. Safaaradda Turkiga iyo howlgalka AMISOM ayay uga digeen ka qeyb-qaadashada qulqulatooyinka ka jira caasimadda.

Nicolas Berlanga, ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya oo walaac ka muujiyey xaaladaha kasoo cusboonaadey Muqdisho adkeeyayna baahida loo qabo is-xakameyn, ayaa sheegay in lala xisaabtami doono "kuwa mas'uulka ka ah qulqulatooyinka".

"Anigoo aad uga walaacsan dhacdooyinka ka socda magaalada Muqdisho. Danta guud waxay codsaneysaa xakameyn heerka ugu sareysa, ilaalinta hay'adaha aan leenahay dhammaanteena iyo wadahadalka. Rabshadaha lama aqbali karo. Kuwa ka masuulka ah waa lala xisaabtami doonaa," ayuu ku qoray ciwaankiisa shaqsiga ah ee Twitter-ka.

Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya oo walaac ka muujisay rabshadaha kasoo cusboonaadey Muqdisho ayaa ku baaqdey degaan iyo is-xakameyn. "Wadaxaajoodyo nabadeed waa xalka ugu wanaagsan ee danaha Soomaaliya," ayay raacisay.

Sikastaba ha ahaatee, iyaddoo inta badan dadku ku baaqayaa in xalka uu ku jiro in dib loogu laabto wadahadalada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka, shacabka magaala madaxda Muqdisho waxay bilaabeen in ay barakacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM