Khilaafka Galmudug oo qarka u saaran inuu dagaal isku bedelo

Image

CADAADO - Khilaaf siyaasadeed ayaa wali ka dhex-taagan hogaanka dowlad goboleedka Galmudug, taasoo keentey inuu labo gabar u kala jabo maamulkaan, kuwaasoo Cadaado iyo Dhuusamareeb ku sugan.

Cadaado waa xarunta Baarlamaanka Galmudug, halka Dhuusamareeb ay tahay xarunta maamulka, waxaana ku kala sugan Madaxwayne Xaaf iyo ku xigeenkiisa Carabey oo uu wehliyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Casar.

Xilldhibaanno ku kala shirey labadaan magaalo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartaha Soomaaliya ayaa ku kala dhawaaqey inay xilalkii ka xayuubiyeen Xaaf, Carabey, Casar, iyo ku xigeenkiisa 1aad, Xareed.

Ma jiro ifafaalo muujinaya xal uhelista muranka siyaasadeed, xili dhinac walba oo midka kale ku eedaynayo inuu diidan yahay wadahadal, inkasta oo dowladda ku baaqday in la xurmeeyo heshiisyo ay wada galeen.

Khilaafka oo marka hore ku koobnaa madaxda ugu sareysay maamulka ayaa haatan lugaha lasoo galey ciidamadda, waxaana xalay ku dirirey duleedka Cadaado ciidamo kala taabacsan dhinacyaddaan.

Kolanyo kasoo baxday bartamaha magaalada, kuwaasi oo doonayey inay ugudbaan dhanka Dhuusamareeb ayaa waxaa is-hor-istaagey kuwa kale oo joogey Kontaroolka laga soo galo xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Tani ayaa keentay inuu iska hor-imaad saacado kooban socday uu dhex-maro ciidamadda, taasoo dhalisay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo lasoo wariyey inay gaartey Askarta dagaalantey.

Inta la hubiyey Hal Askari ayaa ku dhintey, xili ay ku dhaawacmeen Afar kale, kuwaasi oo Isbitaal loola cararey si loo daaweeyo, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen qaar kamid ah dadka degaanka.

Xaalada meesha ay wax ka dhaceen ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ah mid degan, inkasta oo jawiga magaalada laga dareemayo xiisadda is-rasaaseyntii xalay iyo khilaafka siyaasadeed ee maamulkaan la degay.

Israasaynta ma jiro wali masuul ka tirsan maamulka oo fahfaahin dheeri ah ka bixiyey waxa keenay, laakiin waxay kusoo aadeysaa xili maamulkaan uu ka jiro qalalaaso siyaasadeed iyo xaalad hubaal la'aan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM